Golaha Ammaanka oo soo dhaweeyay heshiiskii Addis Ababa ee DF & Juba

New York (Caasimada Online) Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa kulan ay ku yeesheen xaruntooda New York, waxa ay uga hadleen arrimaha Soomaaliya.

Goluhu wuxuu soo dhaweeyay shirkii dhawaantan dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo maamulka kumeel gaarka ee Jubba  ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa.

Goluhu wuxuu ka codsaday labada dhinac in ay dhaqangaliyaan qoddobada lagu heshiiyay isla markaana laga fogaado wax kasta oo wiiqi kara ama burburin kara.

Goluhu wuxuu soo dhaweeyay dedaalada ay ay bixiyeen, Ethiopia, Midowga Afrika, QM iyo IGAD kaasoo ku aadan siddii xal loogu helo khilaafaadka siyadda ee Jubbooyinka.

Goluhu wuxuu kaloo cambaareeyay weerarkii ka dhacay maqaayad ku taalla Muqdisho 7-dii bishan September iyo kale ee dhacay 12-kii bishan ee lala beegsaday hoggaamiyaha maamulka Jubba ee Axmed Madoobe.

Goluhu wuxuu soo dhaweeyay xafiiska QM ee Soomaaliya UNSOM, kaasoo seddax bil ka hor laga hirgaliyay magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in xafiiskaas uu door muhiim ka qaadan doon horrumarka dalka, maadama 22-kii sanno ee la soo dhaafay ay ka jirtay dagaalo sokeeye.

Golugu wuxuu ku celiyay in Soomaaliya ay tahay dal madax banaan isla markaana arrimaheeda ay go’aan ka gaarto.

Goluhu wuxuu amaanay ciidamada howgalka AMISOM, kuwaasoo uu sheegay in nafsadooda ay u hureen nabadeenta iyo xasilinta dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington DC