Kaalinta beesha caalamka ee Somalia maalinta xigta “Heshiiska Cusub”

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalinta 16-ka September 2013ka, magaalada Brussels waxay marti galinaysaa shir lagu hirgalinayo barnaamijka loo yaqaan ‘Heshiiska Cusub’ (New Deal) oo uu qabanqaabadiisa leeyahay Midowga Yurub.

Soomaaliya ayaa loo badaniyaa inaysan waxba is beddelin 17-ka September, oo ah maalinta xigta saxiixa Heshiiska Cusub. Guusha Heshiiska Cusub waxay ku xirnaan doontaa sida ay labada dhinac uga dhabeeyaan fulintiisa, iyo sida beesha caalamku ay u ixtiraanto madax bannaanida Soomaaliya, isla markaana aragti mideysan uga qaadato. Sidoo kale, hufnaan ayaa looga baahan yahay labada dhinacba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com