CALI Saciid oo laga sugayo dib usoo celinta dhismo weli ka maqan Somalia

Brussels (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah howshii loo soo magacaabay ula wareegay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Ambassador Cali Siciid Faqi, kaasoo xilka kala wareegay Danjirihii hore Nuur Cadde.

Safiirka ayaa laga sugayaa inuu kasoo dhalaalo howshii loo soo igmaday, iyadoo ay horyaalaan howlo badan oo u baahan in wax laga qabto, gaar ahaan waxaa laga sugayaa inuu horay u sii wado dadaalkii uu Safiirkii Hore ku doonayay in dib loogu soo celiyo gacanta Somalia dhismahii hoyga Safiirka iyo shaqaalaha oo weli ku jira gacanta muwaadiniin u dhashay Biljamka.

Safiirka cusub ee Somalia u fadhiya Brussels ayaa wuxuu ka codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Biljamka, Holland iyo Luxamberg in ay muujiyaan wada shaqeyn isla markaana Safaaradda ka caawiyaan wixii karaankooda ah.

dhismaha safaraddaSafiirkii hore ee Biljamka iyo Talyaaniga Ambassador Nuur Cadde ayaa wuxuu mudadii uu haayay ku guuleystay in uu dib u soo celiyo dhismihii Safaaradda Biljamka oo laga bixiyay dad sharci daro ku deganaa, waxaana ka hor inta aan xilka laga qaadin uu waday dadaal ku aadanaa in gacanta Dowladda Somalia lagu soo celiyo dhismaha kale ee guriga Safaaradda oo hoy iyo garaash baabuurta lagu sameeyo u ah muwaadin u dhashay Biljamka.

Hase ahaatee Safiirka cusub waxaa laga sugayaa inuu dhamaan howlahaasi kasoo baxo, shacabka Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Yurub gaar ahaan dadka Qaxootiga ah ee lagu xero sharuudaha iney Safaaradda la xariiraan kana soo qaataan caddeymaha muujinaya iney Soomaali yihiin u fududeeyo sugnaanta muwaadinnimo ee Soomaaliga.

Ali Muhiaddin Netherlands

Muxiyaddiin@hotmail.com

Caasimada Online

Xafiiska Brussels 

Caasimada@live.com