26.3 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Dhageyso Shariif Xasan: “Ballanta ayey nooga baxeen balse maalin ay ahaataba…”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu laabtay Magalaada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ayaa waxa uu ka hadlay Doorashooyinka Soomaaliya iyo rajadii beelaha Digil iyo Mirifle.

Waxa uu sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed ay balanta uga baxeen, maadaama hamigiisa ugu sarreeya uu ahaa in Koonfur Galbeed ay hesho Madaxweyne ama Ra’iisul wasaare.

Shariif Xasan ayaa dadaal u galay sidii uu Cabdirashiid Xiddig uga dhigi lahaa afhayeenka bqarlamanka, taasi oo beeshiisa siin lahayd xilalka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha, hase yeeshee guusha Jawaari ayaa taas meesha ka saartay.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu sheegay in koonfur Galbeed ay waligeed wadi doonto isbedel lagu sameeyo kuraasta ugu sareysa ee dalka, taasina mar walba ay ku dadaali doonaan.

Shariifka ayaa sheegay in ay doonayaan dalkan in ay u soo laabato Dowladnimadiisa, sharaftiisa, midnimadiisa iyo karaamadiisa, maadaama Soomaaliya ay ahaan jirtay Dowladaha Afrika ugu xoogga badan.

Hoos ka dhageyso hadalka Shariif Xasan

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News