28.4 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Xiliga ay dhaceyso doorashada guddoonka Aqalka Sare iyo magacyada xubnaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka dhacay fadhi ay yeesheen qaar kamid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanada kulmay ayaa iska soo dhex xulay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo ka kooban 6 Xubnood oo laga soo kala xulay Xildhibaanada laga soo doortay Gobolada dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ayaa waxaa loo doortay Senator Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay Hirshabelle.

Xoghayaha Guddiga Doorashooyinka ayaa waxaa sidoo kale loo magacaabay Senator Farxaan Cali Xuseen oo laga soo doortay Puntland waxa ayna labadaasi Xubnood Banaanka ka yihiin 6 Xubnood ee diyaarin doona Doorashada.

Xubnaha Lixda ah ee loo magacaabay diyaarinta Doorashada Guddoonka Sare ayaa kala ah:-

1. Senator Maxamed cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo laga soo doortay Maamulka Hirshabeelle.

2. Senator Jawaahir Axmed Cilmi oo ka socota Maamulka Galmudug.

3. Senator Farxaan Cali Xuseen oo ka socda Maamulka Puntland.

4.C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo laga soo doortay Maamulka Jubbaland.

5. Senator C/risaaq Axmed Cali oo ka socda Maamulka Somaliland.

6. Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo laga soo doortay Maamulka Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashada ayaa durbo shaaciyay in is diiwaan galinta Musharaxiinta ay bilaaban doonto 17 oo ku beegan maalinta beri ah ilaa 19 Bishaan.

Dhinaca kale, Guddiga Doorashada ayaa iclaamiyay in Doorashada ay dhici doonto 22 Bisha aan ku jirno.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News