25.6 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Khilaaf ka taagan sugida amniga doorashada madaxweynaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno dhanka Saraakiisha Hay’adaha amaanka Dowlada Somalia, ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu ka taagan yahay hanaanka lagu sugi lahaa Amniga xiliga Doorashada Madaxweynaha Somalia.

Qodobka ugu weyn ee Khilaafka ayaa ah in Asbuuc ka hor Ciidamo farabadan lagu daadiyo dhammaan Waddooyinka magaalada Muqdisho iyo Xaafadaha ay maleeshiyada kasoo tuurtuuran Hoobiyayaasha, waxaana qodobkaasi ka hor imaaday qaar kamid ah Saraakiisha loo xilsaaray amniga doorashada.

Saraakiisha diiday in Asbuuc ka hor la sii xaqiijiyo amniga magaalada Muqdisho, ayaa soo jeediyay in loo danqado dadka shacabka ah ee ku howlan nolol maalmeedkooda iyo waxbarashada, isla markaana waddooyinka la jaro maalin un ka hor xiliga doorashada Madaxweynaha.

Waddooyinka oo wakhti hore la jaraa ayaa saameyn ku yeelan doonta Ganacsiga, Waxbarashada iyo Isu socodka dadweynaha, waxaana xusid mudan in xiliga doorashada Madaxweynaha la xanibi doono xitaa socodka dadweynaha, sida uu yahay qorshaha.

Dadka shacabka ah ayaa dowlada Somalia ku dhaliila xaritaanka Waddooyinka, waxa ayna tani noqon doontaa dhaliisha ugu weyn, haddii ay dhacdo in Waddooyinka magaalada iyo kuwa xaafadaha la jaro.

Lama oga waxa uu noqon doono go’aanka Hay’adaha amaanka ee ku aadan sugida amniga xiliga doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News