Dhageyso: Shariif Xasan oo ka jawaabay sababta calanka K/G weli u leeyahay 6 xiddig

Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa markii ugu horeysay wax laga waydiiyey arrinta ku aadan Calanka Koonfur Galbeed oo weli aan wax laga badalin tan iyo markii laga soo badalay Magacii Lixda Gobol ee uu hoggaamiyaha u ahaa Madoobe Nuunow.

Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa caddeeyey mowqifkiisa ku aadan arrintaas, waxaana la waydiiyey haddii ay lixda xidig ka dhigi doonaan 3 xidig maadaama maamulkiisa uu hadda ka arrimiyo Bay, Bakool iyo Shabeelada hoose.

Wuxuu ku jawaabay inaysan dhibaato ku jirin haddii calanka Koonfur Galbeed sidaan iska sii ahaado macnaha uu lixda xidig sii lahaado, isagoo ku fasiray arrintaas si Lixda xidig loo isticmaali karo laba gobol ama seddex gobol.

” Muhiim maahan lix xiddig iyo 3 xidig, kaliya wixii la rabo ayaa loo adeegsan karaa, lixda ayaan seddex ka dhigan karnaa, seddexdana lix ayaan ka dhigan karnaa, muhiimadana waa in Calanka Koonfur Galbed uu matalo seddex gobol” ayuu yiri Shariif Xasan.

ka hor inta aan la dhisin Maamulka Koonfur Galbeed, waxaa lagu dhawaaqay maamul lagu sheegay inuu ka arrimin doono lix Gobol, inkastoo markii dambe waxaas laga heshiiyey oo lixdii gobol loo kala qeybiyey Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Shariif Xasan ee ku aadan Calanka Koonfur Galbeed

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com