25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Dhageyso: Shirkii Jubooyinka oo la yiri “Waxaa loogu daneyey beel gaaar ah”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) Qaar ka mid ah waxgaradka Jubbooyinka ayaa dhaliil ka muujiyay shirkii arimaha Jubbooyinka ee Muqdisho lagu so gabagabeeyay , waxaana ay shirkaasi ku tilmaameen mid aan xalaal aheyn sida ay ka dhawaajiyeen.

Suldaan Siciid Diriye Maxamed, wuxuu ka mid yahay waxgaradka kasoo jeeda jubbooyinka , wuxuu sheegay in shirka mudada afarta maalin ah Muqdisho ka soconayay ee aayaha Jubbooyinka looga hadlayay inuu yahay mid aan  wax micno ah u sameyneyn dadka dega Jubbooyinka iyo Gedo

Wuxuu sheegay in shirkaas uu yahay mid dad gaar ah ay wataan , waxaana uu ku billowday ajande la’aan sida uu sheegay waxaana sidoo akle uu tilmaamay in shirkaas uu ku dhamaaday fashil sida uu hadalka u dhigay .

“ Ugu horeyn magaca shirka wuxuu ahaa shir Jubbooyinka iyo Gedo looga hadlayo laakiin saas meysan noqon ee qolo gaar ah ayaa dhinac loola saftay oo lagu yiri waxaad rabtaan keensada  sidaas darted maaha shir sax ah , ayuu yiri Suldaan.

Wuxuu sheegay in shirka ay ka qeyb galeen hayeeshee maalintii Koowaad ay isaga bexeen iyagoo cadaalad xumo tirsanaya , waxaana uu sheegay in arintooda aysan jirin cid dheg jalaq u siisay sidaasi darteedna wuxuu sheegay in muuqaato sida uu sheegay in markii horaba aan raali laga aheyn balse dano gaar ah laga lahaa .

“ Muhiimadu maaha in warqado lakala saxiixdo ama meel la isugu yimaada ama la wada hadlo laakiin muhiimadu waa in laga dhabeeyo ku dhaqanka waxyaabaha lagu heshiiyay  laakiin heshiis markiisii horaba baadil ahaa siduu ku suuga galayaa” ayuu yiri Suldaan siciid diriye

Muddo afar maalin ah oo Muqdisho ka soconayay shirka arimaha Jubboyinka ayaa si rasmi ah Muqdisho loogu soo gabagabeeyay , waxaana lagu wadaa dhowaan in qeybta labaad ee shirkan inuu ka  furmo magaalada Kismaayo.

Halkaan Hooe ka dhageyso Codka Suldaanka

Suldaan Siciid Diye Maxamed Jubooyinka

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News