Muqdisho (Caasimada Online) –Waxaa burburay wada-hadalladii magaalada Istanbul uga furmi lahaa ergooyinka kala madalaya Dowladda Fedderaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. kadib markii ergada Somaliland ay dalbadeen in shirka laga saaro afar xubnood oo kasoo jeeda dhalasho ahaan Somaliland oo madalayay Dowladda Somalia.
Dowladda ayaa Somaliland ku eedeysay inay mas’uul ka tahay burburka wadahadallada kadib markii ay Somaliland ku adkaysatay inaysan la fadhiisanayn xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee ku jira ergada dowladda.
Qoraal kasoo baxay DF ayaa waxay ku eedeysay wafdigii matalayay Somaliland ee ka qeyb geli lahaa wada hadalada inay sabab u ahaayeen qabsoomid la’aanta wada hadaladii ka furmi lahaa magaalada Istanbul ee labada dhinac isugu imaan lahaa.
Wasiirka Warfaafinta ayaa arintaasi faah faahinaya, isagoo sheegay in aysan dhici doonin wax ka badal ergada madaleysa Dowladda Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

