32.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Dhageyso: Somaliland oo muujisay sida ay ugu baahan tahay Soomaaliya iyo DF oo jawaabtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamuka Somaliand ayaa muujiyey sida uu ugu baahan yahay Somalia iyo wada-hadallada kala dhaxeeya, kadib markii uu ku wargeliyay wadamada beesha caalamka iney doonayaan in lasoo kala dhex galo wadahalada u dhaxeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Wasiirka arimaha dibada maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo la hadlay VOA ayaa sheegay in madax ka socoto wadamo badan uu kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ka dhaadhiciyay iney soo kala dhex galaan wadahadalka kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in wakiilo badan oo Soomaaliya u fadhiya dowlado badan uu kula kulmay magaalada Nairobi, ayna inta badan ka aqbaleen codsigii uu hor dhigay ee ahaa iney soo kala dhex galaan wadahadalka kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya.

“Horay ayaan ugu sheegnay dowlada Soomaaliya dad kasoo jeeda waqooyiga Soomaaliya wadahadalka kama qeyb galayaan, beesha caalamka ayaan ku wargelinay ineysan marnaba taasi dhici Karin, Turkiga, Talyaaniga, USA, EU,UN,UK, iyo wadamo kale ayaan Nairobi ugu sheegnay arinahaasi”ayuu yiri Mr Biixi Yoonis.

Waxaa la weydiyay iney aqbalayaan wadahadal kale haddii dowlada Soomaaliya ay ka reebto shirka xubnaha kasoo jeeda waqooyiga Soomaaliya.

“Marnaba ma ogolaan doono in dad kasoo jeeda Somaliland ay shirkaasi ka qeyb galaan, waxaan dooneynaa in beesha caalamka ay arintaan la wareegto si xal buuxa loo arko, waxaana wanaagsan in dad kale ay na dhax fariistaan”.

Halkan ka dhageyso Biixi

Haddaba dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wadahadalladu aysan ka dhaxaynin laba dal ee ay u dhexeeyaan dad.

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali ayaa sheegay inaysan meesha oollin arrin loogu yeedhay dhexdhaxaadin caalami ah, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay in wadahadalladu sii socdaan.

Halkan ka dhageyso Khaalid

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News