25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Dhageyso: Soomaali lagu xiray Angola

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa lagu xer xeray dalka Angola ee qaarada Africa, kadib markii ciidamada amaanka ee dalkaasi ay howlgalo ka sameeyeen magaalooyin ka tirsan dalkaasi.

Carab Maxamed Ashkir, oo kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu xiray dalkaasi ayaa isagoo xabsiga ku jira u sheegay Caasimada Online in la xiray maalintii Jimcaha ee shalay, isagoo isku diyaarinayay aadida saalada Qudbo sida uu sheegay.

Ashkir, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa amaanka dalka Angola ay gudaha ugu galeen gurigiisa ayna halkaasi ka xereen, isagoo aan sheegin sababta rasmiga ee ka dambeysay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dad badan oo ajaaniib ah la xeray ayna kamid yihiin dadka xeran ku dhawaad 300 oo Soomaali kuwaasi oo shaqooyin kala duwan ka qabanayay dalka Angola.

Cali Askar ayaa sidoo kale sheegay in la xeray imaamyo, caruur iyo haween waxaana lala xiray ku dhawaad 8 ruux oo Soomaali ah oo ay isku guri ahaayeen iyo afar ruux oo kaoso jeeda galbeedka africa.

Caasimada Online
Xafiiska Soomaaliya
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News