24.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

DHAGEYSO: Ugaas SADE ah: Wallaahi A/Madoobe ma maamulayo Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) Ugaas Maxamed Wali, oo kamid ah Odayaasha Beesha Sade ee kasoo horjeeda Maamulka KMG ah ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa sheegay inuusan Maamulkaas hogaamin doonin goboladaas.

Gobolada Jubboyinka iyo Gedo, Gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaas ayuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka wada dhaxeyso Axmed Madoobana uusan kligii ka arimin Karin sida uu sheegay.

Ugaaska ayaa sheegay in Axmed Madoobe hadii uu al doonayo looga fadhiyo inuu wada hadal la galo dadka kasoo jeeda goboladaas, hadii aysan taasi dhicina uusan ka rimin doonin Magalada Kismaayo.

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay inay u shaqeyso Sirdoonka Ethiopia Sida uu hadalka u dhigay , isagoo sheegay inay dowladu ku fashilmatay Heshiiska Adis Ababa ee dowlada Soomaaliya iyo waliba Maamulka Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay iyadu Mas’uul ka aheyd dagaalkii kismaayo hayeeshee iminkana ay balantii uga baxday raggii ay dagaal galisay sida uu shaaca ka qaaday .

Axmed Madoobe aya ku sugan Magalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya isagoo habeen ka hor kulan Xarunta Madaxwtooyada Soomaaliya uu kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya .

Halkaan ka dhageyso Codka Ugaas Maxamed Wali

Halkaan ka dhageyso Uagaas Maxamed Wali

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News