Dhageyso: Mowqifka Barre Hiraale ee sheegada J/land maxaa iska bedelay?

Kismaayo (Caasimada online) Saraakiisha Ciidamada Barre Aadan Shire Hiiraale,  ayaa shaaca ka qaaday in wali Barre uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbland isla-markaan aysan aqoon saneyn Maamulka Axmed Maxamed Islaam Madoobe, oo dhawaan dowlada Soomaaliya ay u aqoonsatay Hogaamiyaha Maamulka Jubba.

Afhayeenka Barre Aadn Shir Hiiraale, Xasan Qaasim oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in Heshiiskii Adis Ababa ee dowlada Soomaaliya iyo Axmed Madoobe uu yahay mid dhex maray Shaqsi iyo dowlad Sida uu sheegay waxaana uu tilmaamay in uusan quseyn Bulshada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu intaasi ku daray in wali Barre Aadan uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland isla-markaana ay wadaan qorshe ay ku dhameystirayaan maamulkooda Sida uu sheegay, waxaana shaaca ka qaaday in dhawaan ay Guud ahaan Maamulka Axmed Madoobe ay kala wareegi doonaan deganada ay maamulaan .

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayuu sheegay in hatan ciidamdoodu ay ku wajahan yihiin , isla-markaana haatan ay ku sugan yihiin Meel aan sidaas uga fogeyn gudaha Magaalada Kismaayo,  awoodna ay u leeyihiin in Kismaayo ay ka saaraan Aaxmed Mdoobe iyo Maamulkiisa sida uu hadalka u dhigay.

Shacabka iyo Siyaasiyiinta Jubbooyinka iyo Gedo ayuu sheegay inay kasoo horjeedaan Maamulka iyo hogaanka iminka sida uu sheegay ay dowladu dooneyso inay gacanta u geliso Goboladas , isla-markaana aan lagu qasbi karin shacabku maamul aysan dooneyn.

Barre Aadan Shire , wuxuu k mid yahay rag Magaalada Kismaayo ay ku dagaalameen Maamulka Axmed Madoobe kuwaas oo looga itaal roonaday dagaalkaas inkastoo haatan duleedka Kismaayo uu ku sugan yahay qorsheynayana sida Saraakiishiisa ay sheegayaan in Kismaayo ay kala wareegaan dowlada Soomaaliya, waxaana wali uu sheeagayaa Barre Hiiraale inuu yahay Madaxweynaha Jubbooyinka iyo Gedo.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka Xasan Qaasim Afhayeenka Barre Hiiraale

Halkaan ka dhageyso Xasan Qaasim Afhayeenka barre hiiraale

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada online