29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Dhageyso: Ugaaska Mareexaan oo ka hadlay khilaafka Saacid iyo Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo ah ugaaska Sade una hadlayey afka salaadiinta Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxaa uu tacsi ka diray dadkii ku geeriyooday roobabkii iyo dabeylihii ku dhuftay deegaanada Puntland, isagoona shacabka kale ee dhibaateysan ugu baaqay in loo gurmado.

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo wareysi  maanta siiyey warbaahinta K24 ayaa waxaa uu sheegay in shacabka Jubaland ay la xanuunsanayaan shacabka dhibaateysan ee Puntland, isagoona intaasi raaciyey in hadda loo wada istaago wax ka qabashada arrintaasi.

maxamed-ugaas-xaashi” Waan ka tacsiyeynayaa dhibka ka dhacay Puntland aniga oo ku hadlaya afka salaadiinta Jubooyinka. Waxaana intaasi raacinayaa in shacabka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanay inay isku gurmadaan xilliga dhibku uu jiro inay u wada istaagaan oo ay walaalahasi wax la qabtaan ” ayuu yiri Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi.

Mar wax laga weydiiyey Jubaland ahaan waxa ay arrintaasi gacan uga geysan karaan ayuu sheegay inaysan waxba kala hari doonin inay u gurmadaan shacabka Puntland, isagoona sheegay inay dhamaan qeybaha kala duwan ee Jubooyinka ka tashan doonaan.

” Biyo waa qatar haddii ay ugu yimaadaan waxaana ay baabi’iyaan maal iyo nafba marka waxaan ku sheegayaa in aan reer Jubaland aysan u kala hari doonin”ayuu raaciyey Ugaas Maxamed.

Dhinaca kale khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu Ugaas Maxamed wareysiga uu siiyey K24 uga hadlay waxaana uu sheegay in maanta aan loo fadhiyin inuu khilaafkan yimaado balse la doonayey inay dalka wadajir u hogaamiyaan.

” Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxaan ku ogaa rag isku dhaw oo saaxiibo ah mana  laga sugeyn inay maanta is khilaafaan. Waxaanse leeyahay shacabka Soomaaliyeed wadajir  kuwadaan, xalkana hadda inay dib ugu noqdaan ayaan ka rabaa oo dadku wada fahmo inay dowladnimda ay tiir u yihiin madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Marka xalka khilaafkan in la dhameeyo ayaan fileynaa” ayuu yiri Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo wareysi siiyey warbaahinta K24.

Ugu danbeyntii waxaa uu Ugaas Sade Ugaas Maxamed baaq u dirayshacabka Soomaaliyeed kaasi oo ku aadan  taageerida dadaalada lagu doonayo in dib loogu dhiso dalka Soomaaliya.
Halkan ka dhageyso wareysiga Ugaaska beesha Mareexaan Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi 

Xigasho: Kismaayo24.com

- Advertisement -

Read more

Local News