Washington DC (Caasimada Online) – Maanta oo kale 20 sano ka hor, waxaa dagaal dhex maray ciidanka Maraykanka iyo Jeneraal Maxamed Faarax Ceydiid, ka dib markii kooxo Soomaali ahi ay dileen 24 ka mid ah askarta dalka Pakistan oo qeyb ka ahaa hawlgalkii UNISOM.
Dagaalkaasi, ayaa qaatay magacii uu ku caan baxay ee Balckhawk Down, oo ahayd diyaarad nuuca qumaatiga u kaca ah oo Mareykanka laga soo riday.
Ku dhowaad 1000 qof oo Soomaali ah iyo 18 askari oo Mareykan ah ayaa ku naf waayey dagaalkaasi, waxaana kadib ciidamada Mareykanka iyo kuwii huwanta ay isaga baxeen Somalia.
Dad badan ayaa rumeysan in dagaalkaasi uu sabab u noqday in caalamku ka jeesto Somalia, dhibka Somalia-na uu soo gaaro heerka uu maanta uu joogo, inkasta oo dadka qaarna ay dagaalkaas u arkaan guul Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in dagaalkaas ay ku lug lahaayeen kooxo Islaamiyiin ah oo waagaas soo hana qaadayey sida kooxdii Al-itixaad Al-islaami.
Idaacadda VOA, ayaa warbixin gaar ah oo xiisa badan ka diyaarisay dhacdadaas.
Halkan ka dhageyso
Caasimada Online
Xafiiska Washington DC