Arag Sawirrada: Soomaalidii ku la’day dooni ku rogmatay xeebaha Italy

Roma (Caasimada online) Ugu yaraan 95-Qof oo Muhaajiriin ah ayaa ku dhintay tiro kale oo gaareysa ku dhawaad 250 Kooxaha gurmadka ayaa wali waxay ugu jiraan baadi goobkooda ka dib markii Dooni ay saarnaayeen Muhaajiriintaasi ay kula qalimatay meel u dhow Jazeerada Lampedusa ee dalka Talyaaniga,sidaasi waxaa baahiyay warbaahinta Talyaaniga.

Shilka ayaa dhacay aroortii hore saakay oo Khamiis ah.

Kooxaha Badbaadiyaasha ayaa shaaca ka qaaday inay biyaha ka soo badbaadiyeen 25,sida uu sheegay Afhayeenka Xeebta Talyaaniga.

Ilaa iyo hada Dowlada Talyaaniga ma cadeyn wadamada ay u dhasheen Dadkaan Masiibado soo gaartay,waxaana dhacdadaan Noqoneysaa ugu danbeysay ee ka dhacda meel ku ku dhow xeebaha Talyaaniga.

Wararka ka imanaaya dalka India gaar ahaan Waqooyi Galbeed ee dalkaasi ayaa waxay sheegayaa in Ugu yaraan 28-qof oo ay ku jiraan 18-Carruur ah ay dhinteen ka dib markii uu shil galay Gaari Xamuulka Qaada.

Sidoo kale 20- kale ayaa dhaawacyo ay ka soo gaareen Shilkaasi,kuwaasi oo Qaar ka mid ah Xaaladooda caafimaad laga deyrinay.

Shilka ayaa ka danbeeyay ka dib Gaariga Xamuulka siday 10- ka mid ah lugihii uu ku socday ay baxsadeen,waxaana dhacdadaan ay ka dhacday Magaalada Gauhati,ee caasimada Gobolka Assam.

Boliiska Magaalada Gauhati, ayaa sheegay in Tirada dhimashada intaasi ay ka sii badan karto sabab lala xiriiriyay dadka dhaawacyada qaba oo Qaarkooda Qatar ku jirta.

Sawirrada

sawir 1sawir 2sawir 3sawir 5sawir 6sawir 7sawir 7sawir 8sawir 9

Caasimada online

Xafiiska Roma

Caasimada@live.com