DF oo qorshaheedii dib u dhigtay (Ma Axmed Madobe ayaa ku qasbay mise?)

Muqdisho (Caasimada Online) Kadib kulan golaha Wasiirada ay Muqdisho ku yeesheen ayaa arrimihii  ay kaga hadleen waxaa qeyb ka ahaa , Warbixin ku aadan Heshiisyadii dalka Turkiga oo laga dhageystay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdiin Saacid , arimaha amniga Bini’aadanimada iyo dib u dhigista Shirkii aayaha gobolada Jubbooyinka .

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta Si rasmi waxay isugu raaceen dib  u dhigista Shir Shanta Bishan lagu waday inuu ka dhco Muqdisho kaas oo looga hadli lahaa aayaha gobolada Jubbooyika iyo Gedo iyo Heshiisiinta Beelaha halkaasi wada Dega.

Shirkaas ayaa la tilmaamay inuu qabsoomi doono 21-ka bishan October, waxaana inta ka horeysa jiri doona sida la tilmaamay diyaar garow buuxa oo ku saabsan qaban qaabadda shirka guud ahaan.

Maamulka Jubba ayaa dhawaan si cad wuxuu u diiday ka qeyb galka Shirka Muqdisho lagu wado inuu ka dhaco , ee looga hadlayo arimaha Jubbooyinka iyo Gedo Sabab la xiriirta in dowladu ay jabisay qodobadii lagu soo heshiiyay sida ay sheegeen .

Xildhibaan Maxamed Ismaaciil Shuuriye wuxuu sheegay in hadii ay yihiin Xildhibaanada kasoo jeeda Jubbooyinka aysan xal u arkin in Magaalada Muqdisho lagu qabto shir looga hadlayo arimaha Jubbooyinka, maadaama buu yiri shirar Jubbooyinka looga hadlayo uu Muqdisho ka dhacay.

“Axmed Madoobe ayaa Muqdisho yimid oo shan cisho ku sugnaa shirar kala duwan ayaa ka dhacay magaalada oo arimaha Jubbooyinka looga hadlay marka baahi shir kale inuu Muqdisho ka dhaco majirto”Ayuu yiri Xildhibaan Shuuriye.

Inkatoo ay jiraan dhaliilo iyo diidmo ay aritan ka muujiyaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka Jubbooyinka iyo gedo kasoo jeeda hadana waxaa jira qaar iyana dhankooda soo dhaweynaya.

Arrinta ku aadan shirka Muqdisho lagu qabanayo, ayaa khlaafyo hor leh ka dhex dhalisay xukuumadda iyo maamulka Axmed Madoobe, oo sheegay in arrintan uu ka dambeeyo ra’iisul wasaaraha oo ay ku eedeeyeen inay beeshiisa gadaal ka riixeyso, laakiin xaqiiqda jirta ay tahay in shirkan uu qeyb ka ahaa heshiiskii labada dhinaca.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com