Dhageyso: Jahwareerka siyaasadeed ee Jubba iyo Koonfur Galbeed

Muqdisho (Caasimada online) Beydhabo waxaa ka soconaya abaabulka dhismaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya , kaasoo lagu mideynayo gobolada kala ah Baay, Bakool Sh/hoose labada Jubba iyo Gedo , waxaase jira kala aragti duwaansho ku aadan dhismaha maamulkaas.

Dowladu waxay dhawaan aqoonsatay mamulka jubba oo ay ku mideysan yihiin gobolada  Jubada dhexe Jubada hoose iyo Gedo , kaas oo hogaan uu u yahay Axmed Madoobe , kadib  heshiis dowlada iyo maamulkaas Adis Abaab ku dhexmaray.

Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeedo gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya aya horboodaya dhismaha maamulka  hirgalintiisu uu ka socdo Beydhabo , waxaana dhismaha maamulkaas ku kala qeybsan madaxda dowlada Soomaaliya .

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cusman Jawaari oo dhawaan beydhabo tagay ayaa tageeray qorshaha ay wadaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beydhabo ku kulan san fikirkaasn waxaa la wadaaga mudanayaal Baarlamaanka ka tirasan inkastoo ay jiraan kuwo badan oo dhaliilsan.

Shanta bisha nagu soo aadan waxa lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo shir looga hadlayo aayaha gobolada jubbooyinka iyo gedo taak oo qeyb ka aha heshiis adis-ababa ay kusoo wada gaareen dowlada Iyo maamulka Jubba .

C/risaq Cumar Maxamed Wasiirka qeyraadka dalka ahna kusimaha ra’isul waaaraha soomaaliya ayaa ku dhawaaqay guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta gobolada jubbooyinka iyo gedo kaas oo gudoomiye looga dhigay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/Kariin Xuseen Guuleed

Madaboobe nuunoow waxa uu ka mid ahaa mudanayaashii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa haatana waxa uu ka mid yahay raga horboodaya in maamulka koonfur galbeed Soomaaliya ee uu qorshihiisu beydhabo ka socdo .

Waxaynu weydiinay su’aal aheyd maadaama qilaafka dowlada iyo maamulka jubba uu soo jiitamayay ku dhawaad sanad haatana xal laga gaaray, iminka qilaaf iyo isjiid jiid cusub sow arintan ma keeni karto.

Wuxuu sheegay in waxa qilaafka iyo kala qoqobka keenaya ay tahay dowlada Soomaaliya oo uu sheegay inay aqoonsi siisay maamul aan loo dhameyn sida uu sheegay .

Xildhiban  Cusmaan Xaaji Cali wuxuu ka mid yahay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya wuxuu ka waramayaa aragtidiisa ku aadan kulamada beydhabo ka soconaya iyo ogolaanshiyaha gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in arintan ay tahay mid aan soconeyn isla markaana aan loo dhameyn isagoo sheegay in gudoomiye jawaari markii uu Beydghabo aadayay uu sameeyay heyb sooc ku aadan dhanka qabaa’ilka xildhibaada raacaynaay yihiin kuwo ku heyb tirsada isaga .

 Siyaasi Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ayahy siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada jubbooyinka , waxaynu wax ka weydiinaya arintan Beydhabo kasoo cusboonaatay iyo sida uu u arko

Wuxuu qabaa fakir ah in arinta beydhabo ka socoto ay tahay mid loo baaha  yahay in qof wal;iba oo muwaadin soomalaiyed ah inuu taageero sida uu sheegay dhankiisan uu soo dhaweynayo.

Isbad badalka siyaasada Soomaaliya oo ah mid saameynteeda wadata ayaa xilligan waxay u muuqaneysa mid sii cakirmeysa  sida siyaasiyiin badan ay aamin san yihiin

Halkaan hoose ka dhageyso warboxinta oo Maqal ah

warbixin

 Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com