Dhageyso: Wareysi Sanbaloolshe uu siiyey VOA oo sir badan shaaca ka qaaday

Jowhar (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbloolshe, ayaa dhalliilay qaabkii ay u dhacday doorashadii dhowaan ka dhacay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee looga guulaystay kursigiisii hore ee baarlamaanka.

Sanbaloolshe, ayaa ku eedeeyey dawladdu in ay faragelin ku samaysay doorashadaasi isla markaana ay dhaqaale ku taageertay musharraxa ku guulaystay doorashadaasi ee Nuur Iidow Bayle.

Haaruun Macruuf oo ka tirsan VOA ayaa kula xiriiriy khadka telefoonka Muqdisho, waxaana uu uu weydiiyey sida uu u arko doorashadaasi.