25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

DHAGEYSO: Warkii uu Xoosh Jabriil ka faafiyey Gaas oo been noqday iyo raali-gelin uu bixiyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasiada Online) – Xildhibaan Craxmaan Xoosh Jabriil oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa raali gelin buuxda ka bixiyay hadal uu horey u sheegay oo ahaa in Puntland ogolaatay nidaamka 4.5 oo Madaxweyne Gaas si weyn kaga soo horjeeday.

Xildhibaan Xoosh, wuxuu sheegay in markii uu arkay warqad dheer oo madaxweyne Gaas u diray beesha caalamka uuna dib u aqriyay warqadaasi uu ogaaday in Puntland aysan qaadan nidaamka 4.5, isaga oo hadalkaasi raali gelin ka bixiyay.

Xildhibaan Xoosh ayaa sheegay in Madaxwaynaha Puntland uu ka raaligalinayo hadalkaas, waxaana intaas uu raacshay in Puntland ay ku taageersan yihiin mawqifka ay haatan ka taagantahay doorashada Soomaaliya kaas oo ah habka deegaanka.

Mar la waydiiyay waxa uu uga noqday hadalkisii hore ayuu sheegay in uu helay cadaymo rasmi ah oo qeexaya in Puntland ay arrinkaas qaadacday, waxaana uu Madaxwaynaha Puntland ku bogaadiyay go’aankiisa 4.5 uu ku diiday.

Dhinaca kale xildhibaan Xoosh ayaa weeraray qorshaha madaxda dowlada Soomaaliya oo uu sheegay iney doonayaan in markale ay kusoo laabtaan hogaanka dalka, taasina aysan suuro gal aheyn , maadaama afartii sano ee lasoo dhaafay Dowlada Xasan Sheikh aysan waxba qaban.

Hoos ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News