S/Land oo jawaab yaab leh siisay DF SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka jawaabay haddal kasoo yeeray Dowlada Federaalka ah ee Somalia, kaasi oo la xiriiray hakinta duulimaadyada u kala goosha Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

Wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo la hadlay Saxaafada Hargeysa ayaa sheegay in maamulka Somaliland uusan waxba u arag in la hakiyo duulimaadyada iyo inay sii socdaan.

Diiriye waxa uu sheegay in Somaliland aysan khusayn awaamiirta ay Dowladda Somaliya ku hakinayso duulimaadyadii Muqdisho iyo Hargeysa, waxa uuna qeexay in Dowlada Somalia ay ka badbadineyso Siyaasadeeda.

Wuxuu sheegay in ay yihiin dal madaxbanaan Soomaaliyana ula dhaqmayaan sida ay ula dhaqmaan dadka Itoobiyaanka ah.

Diiriye waxa uu yiri ”waa in si sharci ah loo soo galaa dalkayaga loogana baxaa si sharci ah, Dowlada Somalia iyada ayay khuseysaa fariimaha ay soo direyso”

Waxa uu intaa raaciyay hadalkiisa ”kuwa aanu siiney Go Home haddii ay soo celinayaan iyaga ayey u taalaa cidna cid ma qasbi karto”

Fariimaha Dowlada Somalia ayuu sheegay in Somaliland ay bari ka tahay, waxa uuna Wasiir xigeenku cadeeyay in qaabka hadda ay howshu u socto aysan waxba iska bedeli doonin.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jindisyada Somalia, Jen. C/laahi Gaafoow Maxamuud uu ku dhawaaqay inay ku wargeliyeen shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada inay joojiyaan daba-yaaqada bishaan Federaayo duullimaadyadii ay rakaabka ugu qaadi jireen magaalada Hargeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com