Dhageyso: Wasiirka amniga oo shaaciyay xarumo ay ciidamada DF kala wareegayaan AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda federaalka Soomaliya Maxamed Abuukar  Islow (Ducaale) ayaa sheegay in dhowaan ay la wareegi doonaan sugida amniga Xarunta Gollaha Shacabka iyo Garoonka Kubadda cagta ee  Stadium Muqdisho.

Wasiir Islow ayaa tilmaamay in haatan la wado qorshaha ku aadan in Ciidamada AMISOM dalka ay ka baxaan marka la gaaro sanadka 2021-ka islamarkaana Dowladda Soomaaliya ay wado qorshe ay kula wareegayso amniga Xarunta Gollaha Shacabka iyo Garoonka Kubadda cagta ee Muqdisho Stadium oo haatan amnigeeda ay sugaan Ciidamada AMISOM.

“Qorshe waxaa jiro in Ciidamada AMISOM ay dalkaan ka bixi doonaan sanadka 2021-ka marka qorshahaas wuu bilowday oo Ciidamada Booliska ayaa la wareegay xaruntii Jaamacadii Umadda Soomaliyeed oo dhawaan laga saaray Ciidamada AMISOM,Dowladda Soomaliya waxaa ka go’an in ay la wareegto xarumaha muhiimka ee dalka”, ayuu yiri Wasiir Islow.

Dhawaan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa isaga baxay Xaruntii Jaamacadda Umadda oo muddo 10-sano ah ay ku sugnaayen waxaana haatan ku sugan Ciidamada booliska Dowladda Soomaliya.