DHAGEYSO: Wasiirka Arimaha Gudaha oo ballanqaad u sameeyey maamulka..

Kadib Kulan ay isugu yimaadeen Magaalada Muqdisho , Siyaasiyiinta ,Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada degta deegaanada Maamulka Galmudug, ayuu Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya wuxuu sameeyay Balan qaad ku aadan Horumarinta Deegaanada Maamulkaas.

C/kariin Xuseen, wuxuu sheegay in Horumarinta Deegaanadas uu kaalin weyn ka qaadan doono waxaana uu tilmaamay in Mashaariicda Goboladkaas la qersheynayo in laga hir galiyo  gaar ahaan qeybta Caafimaadka  qarashaadka ku baxaya qeyb ka mid ah uu isaga Jeebkiisa ka bixin doono sida uu ka dhawaajiyay.

“Waxa ugu muhiimsan waa caafimaadka, dhisitaanka isbitaalka Magaalada aniga ayaa kala bar qaatay oo bixinaya”ayuu yiri Wasiirka Arimaha Gudaha oo si hoose ula hadlayay dadka degaanka Galmudug State.

Hadalkan kasoo yeeray wasiirka ayaa waxaa si aad ah ugu riyaaqay Bulshada degta deeganada Maamulkaas oo u haraad qaba Helitaanka adeegyada aas aasiga u ah bulshada .

Dad qaar ayaa sheegaya in arintan ay tahay mid uu taageero iyo magac kaga raadsanayo Beesha uu kasoo jeedo asal ahaa oo deegaanadaaasi qeyb ka mid ah dega , waxana jira warar la isla dhexmaro oo arintan ku aadan .

Halkaan ka dhageyso Codka Wasiirka 

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com