Kismaayo (Caasimada Online) Maamulka Jubba ayaa Faaaf faahin ka bixyay Wefdi ka kala socday Midowga Yurub, Qaramada Midoobe, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka Igad, oo booqasho ku tagey Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso oo Shir Jaraa’id Magaalada Kismaayo ku qabtay ayaa Faah faahiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Axmed Madoobe, ayaa sheegay in ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin bili’aadanimada, ammaanka iyo arrimaha Maamulka Jubba, oo shirarka Muqdisho & Kismaayo ay qeyb ka yihiin.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, ayaa wuxuu soo dhaweeyay Soo dhaweynta Maamulka Jubba iyo waliba Cilaaqaadka labada dhinac , iyo sidoo kale sida Maamulkaas ay ka go’antahay Horumarinta deegaanadsa Gobolada Jubbooyinka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Shirkoodu uu quseeyay Heshiiskii Laba Maalin ka hor Magaalada Kismaayo ay ku kala Sixiixden dowlada Somalia iyo Maamulkaas, inkastoo Warkaas aan la xaqiijin.
Halkaan Hoose ka dhageyso codka Axmed Madoobe
Caasimada online
Xafiiska Kismaayo

