Dhageyso: Axmed Madoobe & Fartaag oo ay ka dhex tafan tahay, sabab?

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlada iyo maamulka Juba ayaa waxay hishiis ku gaareen magaalada Kismaayo kaasi oo  qodobada ugu muhiimsan ay ahaayeen ka qeybgalka Shirka Muqdisho iyo dib usoo celinta ciidanka fadhiya deegaanka Goobweyn ee uu Col, Barre Hiiraale wato.

Waxaase durba soo baxay in madaxda maamulka Juba ee kala ah Axmed Madoobe iyo Gen, Fartaag ku kala aragti duwan yihiin arrinta ciidanka la soo xareynayo ee uu hogaaminayo Col, Barre Hiiraale kadib markii madaxda dowlada ay ku noqdeen Muqdisho.

Abdiqani Abdi Jama oo ah lataliyaha hogaamiyaha maamulka Juba Axmed Madoobe ayaa isaga oo jooga magaalada Nairobi wareysi waxa uu siiyey warbaahinta BBCSOMALI waxaana uu sheegay in ciidanka Barre Hiirale isa soo dhiibaan, iyaga oo waliba ah boqol boqol kadibna la baari doono.

“Ciidamadan waxay ahaayeen dhallinyaro reer Jubaland ah oo dagaaladii bishii Juun ka qeybgalay. Waxaana ay ku sugnaayeen deegaanka Goobweyn. Iyagoona halkaasi joogay sadexdii bilood ee la soo dhaafay. Waxaana intaasi oo dhan socday doodo badan oo ah dhinaca dowlada, UN iyo AMISOM-ba. Haddana qaladaadkii dhacay la isaga garaabay oo la iska arkay.Marka waxa la doonayaa in dib loo soo celiyo” ayuu yiri Abdiqani Abdi Jama.

Hadalkiisa isaga oo sii wata ayuu sharaxaad ka bixiyey qaabka ay ciidankaasi Kismaayo ugu soo noqon karaan oo ku ku tilmaamay nidaam isa soo dhiibis ah .

“Qaabka ay ku imanayaan waxay noqoneysaa inay isa soo dhiibaan oo waliba isku soo dhibaan boqol boqol, kadib marka ay isa soo dhiibaana hub ka dhigis lagu sameeyo,kadibna meel lagu xereeyo,iyaddoo gudi wada -jir ah oo 11 qof ka kooban howshan ay qaban doonaan kuwaasi oo isugu jira AMISOM, UN,Maamulka JUBBA iyo Dowlada Federaalka ah markaasina xeryo lagu xareen doono oo la kala sooco doono oo dib u howlgelin lagu sameyn doono, Haddii alle idmo” ayuu yiri Abdiqani Abdi Jama oo ah lataliyaha Axmed Madoobe.

Waxaa uu sidoo kale toos uga hadlay arrinta Col, Barre Hiiraale in hishiiskii dowlada iyo Juba lagu soo hadalqaaday iyo waxa la isku afgartay. Waxaana uu yiri .

“Waxaan isku soo hadal qaadnay oo aan kawadahadalnay arrinta Barre Hiiraale kaasoo qaabka ay dowlada Soomaaliya ay u dooneysay uu yahay inuu isa soo dhiibo, marka la soo qaadana laga dhoofiyo garoonka Kismaayo  oo Muqdisho la geeyo sidaasi ayey dowlada soo jeedisay, Maamulkeenana uu yahay bal arrintaasi waanu ka fiirsan doonaa kadibna ay yiraahdeen haddii sidaasi la yeelayo waa wax suuragal ah” ayuu hadalkiisa ku soo xiray Abdiqani Abdi Jama oo ah Lataliyaha hogaamiyaha maamulka Juba Axmed Madoobe oo wareysi Nairobi ku siiyey idaacada BBCSOMALI iyo Wariye Abdirisaq Xaaji Catoosh.

Laakiin xafiiska Hogaamiye kuxiigeenka Maamulka Juba Gen, Abdilaahi Shiikh Ismaciil ” Fartaag ” ayaa arrintaasi jawaab kulul ka bixiyey, iyagoona gebi ahaanba shakigeliyey darajada inuu Abdiqani uga hadlay BBC iyo inuusan aheyn nin ay yaqaanan.

Sharmaarke Abdilaahi oo ah afhayeenka Gen, Fartaag oo wareysi siiyey warbaahinta K24 ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka jooga Goobweyn iyo Col, Barre Hiiraale midna uusan isa soo dhiibi doonin oo ay si sharci ah ku imaan doonaan magaalada Kismaayo, waliba soo dhaweyn ballaaran loo sameyn doono.

“Dowlada, Maamulka Juba iyo wafdiyada kale ee shalay  yimid  waxay dhamaantood isla qabaan in la soo xareeyo ciidankaasi Goobweyn fadhiya oo ay ka mid noqdaan ciidamada kale ee magaalada jooga, Waliba loo sameyn doono soo dhaweyn ballaaran. Waxaana lagu soo xareyn doonaa si wadar ah (Si wada jir ah oo aan kala qeybin laheyn) Waxaana ay kusoo biiri doonaan ciidamadii walaalahooda ahaa oo ay shalay isku dhaceen. Rajada aan qabnaha ay tahay inuusan wax khilaaf ah uusan dib danbe u dhici doonin”

Waxaase Warbaahinta K24 ay wax ka weydiisay arrinta uu sheegay Abdiqani Abdi Jama afhayeenka Gen, Fartaag  ee ah inay Barre Hiiraale iyo ciidankiisa isa soo dhiibaan oo waliba boqol boqol ku imaanayaan ayuu ku sheegay warkaasi wax aan lagu wada hadlin. Waxaase uu intaasi raaciyey.

“Walaahi ninyahow BBC-da waan ka dhageystay saaka nin ka hadlay arrintaas,mana garanayo aniga darajada uu ku hadlayey, waxa uu ka hadlay ee ah in ciidanka boqol  boqol isku soo dhiibayaan waa arrin uu isaga jeebkiisa kala soo baxay. Wax ay dowlada iyo maamulka Juba ku wada hadleyna ma ahan. Waxaana filayaa inuu joogo Nairobi oo ma ahan nin hadda Kismaayo nala jooga iyo goobta shirku ka socday.” Ayuu yiri Sharmarke Abdilaahi afhayeenka Gen, Fartaag. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yiri .

“Waxaan u maleynaya inuusan hadalkaasi ka fiirsan (Abdiqani Abdi Jama) Waana laga fiican yahay inuu qofka bini’aadamka ah uu wax iska qiyaasto. Sida aan horeyna kuugu sheegay arrintaasi waxay u baahan tahay in gudi loo saaro. Ninkaasina waxa uu ka hadlayo waa wax iska farsamo ah, hadde farsamadiina wali lama gaarin oo waxaan dhihi karaa hadalka kasoo yeeray waa wax jeebkiisa uu kala yimid (Wax isag un u gaar ah ).” Ayuu yiri Sharmarke Abdilaahi.

Sidoo kale mar uu ka hadlayey xilka uu Abdiqani Abdi Jama wareysiga ku siiyey idaacada BBC ayuu sheegay inuusan garaneyn. Inkastoo BBC  ay xilka Abdiqani kusoo koobtay oo kaliya inuu mas’uuliyiinta maamulka Juba ka mid yahay.

“Darajada uu hada ku hadlay ma aqaan, sababtoo ah maamulka Juba laba xil oo kaliya ayaa u magacaaban kuwaasi oo kala ah Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen wax aan iyaga aheyna ma jiraan ilaa hadda. Kolleeyna wax sal iyo raad ay arrintan ku leeyahay ma jiro. Waana arrin aan laga fiirsanin” ayuu yiri Afhayeenka Gen, Fartaag oo u jawaabayey lataliyaha Axmed Madoobe oo isagana war ka duwan kiisa BBC siiyey shalay

Haddala ay warbaahinta isku marinayaan labada xubneed ee ka kala tirsan xafiisyada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulka Juba ayaa muujineysa sida aysan isku aragti uga heyn qaabka loo wajahayo Barre Hiiraale iyo ciidankiisa oo yimaada Kismaayo.

Dhanka dowlada Soomaaliya oo arrinta ciidankaasi wax laga weydiiyey ayaa sheegtay in ciidanka banaanka magaalada jooga iyo kuwa gudaha Kismaayo joogaba ay rabaan in la isku daro oo ay wada noqdaan ciidanka qaranka Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka gaashaandhiga dowlada Soomaaliya oo ka mid ahaa wafdigii dowlada ee Kismaayo tagay ayaa BBC wax ka weydiisay qaabka ciidankaasi loo soo xareynayo. Waxaana uu isagana sheegay inay arrintaasi tahay mid ay kasoo shaqeyn doonaa gudi farsamo oo dhinacyo kala duwan leh.

“Waxaa muhiim ah in la isla gartay inay ciidanka la soo xareeyo, qaabka loo soo xareynayo waxay u taalaa gudiga farsamo ee la isla dhisi doono kuwaasi oo ka shaqeyn doona in ciidanka banaanka jooga iyo kuwa gudaha  jooga la isku daro islamarkaana laga wada dhigo ciidanka qaranka” ayuu Abdirahmaan Kulmiye Xirsi wasiir kuxigeenka gaashaandhiga dowlada Soomaaliya oo u waramayey Abdirisaq Xaaji Catoosh oo ka tirsan BBCSOMALI.

Waxaase lagu ballansan yahay in la dhiso gudi farsamo oo isugu jira dowlada, Juba, UN iyo AMISOM kuwaasi oo si wada jir ah uga shaqeyn doona arrinta ciidamadaasi lagu soo celinayo iyo sidii Col, Barre Hiiraale looga qeybgelin lahaa shirka magaalada Muqdisho loogu  ballansan yahay inuu ka dhaco.

Halkan ka dhageyso La taliyaha Axmed Madoobe

Halkan ka dhageyso Jawaabta Afhayeenka Fartaag

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com