Dhageyso: Xaaf “DF burcadda ay Cadaado usoo dirtay ha ka kaxeyso anigaa Galmudug madaxweyne u ah”

Cadaado (Caasimadda Online) – Magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug waxaa wali ka taagan xiisad Siyaasadeed iyo baqdin laga muujinayo in xaalku faraha ka baxo marka la eego halka uu gaadhay khilaafka u dhexeeya madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug, khaasatan madaxweynaha oo dhinac ah iyo guddoomiyaha golaha barlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka oo dhinac ah.

Wuxuu sheegay inay garoonka diyaaradaha u xireyn markii ay dowladda Soomaaliya bilowday inay hub iyo lacago kusoo daad gureyso Magaalada Cadaado sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka lagu diray oo aysan horey isku khilaafsanaayeen sidoo kalana ay ogaayeen safarkiisa.

Wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay sida uu hadalka u dhigay inay Magaalada Cadaado ka bixiyaan Burcadka ay usoo direen.

Mdaxweyne Xaaf ayaa hadalkaan ka sheegay wareysi uu siiyey Idaacadda BBC Soomaali, halkaan hoose ka dhageyso hadalkiisa.