Beesha Cadaado oo diiday go’aankii Xasan SH.

Cadaado (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Cadaado ayaa sharci dari ku tilmaamay go’aankii madaxweynaha ee shalay uu shaaciyey oo ahaa in xarunta maamulka gobolada dhexe ay noqon doonto magaalada Dhuusamareeb.

Mid ka mid ah odayaasha oo hadlay ayaa sheegey in sharciga aysan meelna oga oolin in shirkii go’aanka lagu gaari lahaa oo 2 maalmood ka dhimantahay uu madaxweynaha isaga go’aamiyo halka ay noqoneyso caasimadda.

“Ciddii damac ku jiraa oo wax rabta shirka ha timaado, waana ka heli kartaa, waana ka weyn kartaa, ergada shirka ayaana go’aan ka gaari doonta halka ay noqoneyso caasimadda, cidda madaxweynaha noqoneyso, iyo waliba dastuurka la qaadanayo” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqay in 11-ka bishani April uu shirka maamul u sameynta ka furmi doono magaalada Cadaado, sidoo kalana sheegey in caasimadda ay ahaan doonto magaalada Dhuusamareeb.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com