Dhageyso: Xaaf oo ka hadlay inuu xabsi guri geliyey madaxda Galmudug  iyo dastuurka wuxuu ka qabo mooshinka

Cadaado (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ku sheegay inuusan Dastuurka Galmudug qabin in madaxweynaha Mooshin laga keeno lix bil ka hor.

Wuxuu isku difaacay in Dastuurka Galmudug uu qeexayo inaanan wax mooshin ah lix bilood gudahood looga keeni karin Madaxweynaha la doortay.

“Mid kalena waan idin sheegaya dastuurku wuxuu qoraya qofka la doorto lix bilood gudahood maba laga keeni karo mooshin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug oo shan bilood uun xilka haya

Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd in Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa ay ku xiran yihiin Madaxtooyada Cadaado oo aysan ka bixi karin,isagana uu amray ayuu ku jawaabay;

“Wax ka jira lama arko, ciidamada nabadsugida ayaa amarkaas bixisay iyagoo kula taliyay inaysan magaalada u bixin maadaama ay xasarad jirto.”

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga madaxweyne Xaaf