Muqdisho (Caasimada online) Allah ha u naxariistee Waxaa Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya ku geeriyooday Xildhibaan Cumar Maxamed Isloow, oo kamid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia
Xildhibaanka ayaa Mudooyinkanba waxaa lagu Baxnaaninayay Cusbitaal Ku yaala magaalada Nairobi iyadoona ugu dambeyn uu u geeriyooday Xanuunkii hayay.
Fadhi Maanta ay yelan lahaayeen Mudanyaasha Baarlamaanka Somalia aya baaqday sabab la xiriirta Geerida Xildhibaanka , waxaana ka tacsiyadeeyay Geeridiisa Gudoonka Sare ee Baarlamaanka Somalia.
Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Somalia Mahad Cabdala Cawad, iyo Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo ka hadlay Geerida Marxuum Cumar Islaaw, waxay ku sheegeen inuu ahaa halyeey daacad ahaa .
Halkaan ka dhageyso Xildhibaanada iyo Gudoomnka Baarlamaanka
Halkaan Hoose ka Xildhibaanada Baarlamaanka
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho

