DHAGEYSO:- Xildhibaan ka war-bixiyey waxa maanta ka dhici kara xarunta BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud, oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha maanta horyaala xildhibaanada baarlamaanka oo ku aadan ansixinta Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Xildhibaanka ayaa sheegay in natiijada baarlamaanka ee maanta ay tahay mid iska cad oo uu kala jeeday in xildhibaanada ay ansixinayaan ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Mr Sharma’arke.

Wuxuu sheegay inay jireen kulamo kala duwan oo horay loola yeeshay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, taasi oo dhalisay in la qanciyo xildhibaano kasoo horjeeday ansixinta ra’iisul wasaaraha cusub.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud, ayaa sheegay in haddii la ansixiyo Cumar C/rashiid Cali uu sida sharciga ah marayo dhaarinta, kadibna uu soo dhisayo golaha wasiirada cusub ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com