Dhageyso: Xildhibaan Zakariye: “Imaaraadku duullaan ayuu ku soo qaaday madax bannaanida Soomaaliya, waana…”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah barlamaanka Soomaaliya oo duullaan lagu soo qaaday midnimada Soomaaliya ku tilmaamay heshiiska dekadda Berbera ee Itoobiya iyo Imaaraadka kala qeybsadeen.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Dowlada Imaaraadka ay ku soo duushay Madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo ugu yeeray xukuumadda Soomaaliya ficil la timado, inay u yeerto labada safiir ee Itoobiya iyo Imaaraadka oo ay gaarsiiso mowqifkeeda, jawaab degdeg ahna ka bixiso duulaanka qaawan ee lagu hayo.

Xildhibaanno dhowr ah ayaa fekerkooda ka muujiyey arrinta soo cusboonaatay ee dekadda Berbera iyadoo si kulul ugu hadlay faragelinta dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com