Dhageyso: Xildhibaannada HAWIYE oo go’aano adag ka soo saaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan beelaha Hawiye, oo maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayaa soo saaray go’aanno muhiim ah oo ka dhan ah qaska uu Soomaaliya ku wado ra’iisul waaare Cabdi Weli.

Xildhibaannada Hawiye waxa ay si cad u sheegen in gobalka Shabeellaha Hoose uu xaq u leeyahay maamulka Shabelle State, maadaama dadka deegaanka ay sidaas doonayaan.

Waxay kale oo ay sheegeen in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay hor-geynayaan qodobo ka dhan ah maamulka seddexda gobal.

Waxa ay tilmaameen in maamulka seddexda gobal iyo midka lixda gobal labadoodaba aysan raali ka noqon doonin inay ka taliyaan gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay gacanta ku hayaan maamulka Shabelle State.

Halkan ka dhageyso go’aannada xildhibaannada Hawiye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com