Xog: Mareykanka iyo Iran oo macdanta Uranium-ka ee Somalia ku loolamaya

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –  Waxaa soo baxay warar dheeri ah oo ku aadan booqasho qarsoodi ah oo magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobalka Galgaduud ay ku tageyn labo wafdi oo ka kala socda dowladaha Iran iyo Maraykanka .

Haddaba Shabakadda Caasimada Online ayaa heshay xog dheeri ah oo ku aadan socdaalka wafdigaas iyo qorshe u tageen gobalka.

IRAN maxay damacsan tahay?

Iraan kuma cusbo in ay tago Galgaduud oo 10-kii sanno ee la soo dhaafay ayey gobalka siyaabo kala duwan u tageysay waxaana ay waday howllo sahan ah.

Iran ayaa si fiican galaangal ugu yeelatay gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya wixii ka dambeeyay markii maxkamadaha ay qabsadeen inta badan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya daba-yaaqadii sannadkii 2006-da.

Isla sannadkii 2008-da ayaa koox kale oo reer Iran ay tageen magaalada gobalka Galgaduud iyagoona sahan ka sameeyay inta u dhexeysa Dhuusamarreeb iyo Ceelbuur halkaasoo la sheegay in ay ka buuxaan macdan Yuuraniyom.

Iran waxay ka damacsan tahay Galgaduud Yuuraaniyom waxaana ay u aragtaa in Yuuraaniyom badan ay ka haleyso gobalka.

Haddaba muxuu yahay wafdiga tagay Galgaduud?

Wafdiga tagayDhuusamarreeb oo kooban labo xubnood waxaana ay ka socdaan safaaradda Iran ee Muqdisho, waxay booqdeen Dhuusamarreeb, Guriceel iyo Caabud-waaq.

Waxaa lagu sheegay booqashadooda mid samafal waxaana ay booqdeen iskuulo iyo goobo kale oo ku yaalla gobalka, waxaa kaloo ay booqdeen deegannada Xeeraale, halkaasoo ay kula kulmeen mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna.

Ilo xog-ogaal ayaa u xaqiijiyay Caasimada Online in wafdiga ka socda dowladda Iran in immaatinkooda gobalka ay la socoto dowladda fedaraalka Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in dhawaan ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Mareykanka muxuu doonayaa?

Dhinaca kale, wafdi ka socda Maraykanka ayaa la sheegay in ay ku socdeen labo diyaarad waxaana ku jiray ciidamo qaas ah oo kumaan doos ah balse si dhab ah looma oga tiradooda, waxay kulamo kula qaateen garoonka diyaaradaha mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna.

Wafdiga Maraykanka ayaa socdaalkooda ku sheegay in uu la xiriiro dhismaha garoonka diyaaradaha Dhuusamarreeb iyo in ay wadahadal dhex-dhigaan Ahlu Sunna iyo dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan maamulka Ahlu Sunna ayaa laga soo xigtay in wafdiga Maraykanka ay sheegeen in ay dib ugu soo laaban doonaan Dhuusamarreeb isla markaana ay u muuqdaan kuwa doonaya in ay galaangal ugu yeeshaan gobalka.

Dowladda Maraykanka ayaa dooneysa in ay fashiliso qorshaha Iran ee ku aadan sahminta macdanta Yuuraniyomka oo la sheegay in ay ka buuxaan inta u dhexeyso Dhuusamarreeb iyo Ceelbuur.

Wafdiga Maraykanka ee tagay Dhuusamarreeb ayaa u muuqda mid doonaya in uu ogaado wax yaabaha u tageen gobalka saraakiisha ka socda safaaradda Iran ee Muqdisho.

Sidoo kale wafdiga Maraykanka socdaalkooda dowladda Soomaaliya lama socoto, waxaana ay u muuqdeen kuwa qarsoodi gobalka ku yimid.

Maraykanka ayaa 40 sanno ka hor isna sahan ku sameeyay goobo mucayan ah oo ku yaalla gobalka Galgaduud, waxaana goobahaas lagu arkay raadad uu ka tagay.

Haddii Maraykanka uu wado is-hortaaga uu ku sameenaayo qorshaha Iran ee ku aadan damaca uu ka lee yahay gobalka ee ku aadan macdanta Yuuraaniyoomka waxaa laga yaaba in uu billowdo dagaal ku dhexmara Soomaaliya labadaas awoodood iyagoona adeegsanaya dhaqaale iyo hub xooggan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Dhuusamarreeb

Caasimada@live.com