Gen. GALAAL oo shaaciyey shirqool uu Shariif Sakiin qeyb ka yahay oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada dowladda ahna khabiir aad u yaqaana arrimaha ciidamada ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay doorka IGAD ee Soomaaliya iyo ciida ka mas’uul ahayd in ciidamada safka hore ay soo galaab Soomaaliya.

Galaal oo u warramay Idaacad ku taalla Muqdisho ayaa ugu horreyn ka hadlay howgalka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya iyo rajada ah in Soomaaliya ay hesho ciidamo cudud leh oo ku filnaadaan mustaqbalka dhow nabadeenta dalka.

Wuxuu sheegay inta ciidamo ajnebi ah ay ku sugan yihiin dalka in aan marnaba la fili doonin ciidamo xoog badan oo ay hesho Soomaaliya.

“Hilib Haad loo waray oo cid kasta ayuu beelah u yahay, waana siddaas Soomaaliya” ayuu yiri Jeneraal Maxamed Nuur Galaal.

Wuxuu sheegay in AMISOM ay dooneyso uun in dalkan ay iska joogto oo ay dhaqaale ka aruursadaan.

IGAD dhab ma ka tahay arrimaha Soomaaliya?

Mar uu ka hadlaayay doorka IGAD ee Soomaaliya, wuxuu sheegay IGAD in ay lugooneyso Soomaaliya haddiiba lagala tashanaayo ciidamo xooggan oo la sameeyo wuxuuna sheegay in marnaba aan la sugi doonin ciidamo cudud leh.

Wuxuu tilmaamay marka sidda sharciga laga hadlaayo in ay qalad tahay waddamada safka hore in ay ciidamo u soo diraan Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in arrintaas ay ka dambeeyeen rag uu ka mid yahay guddoomiyihii hore ee baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Kenya iyada xoog ayeeba ku soo gashay oo maba jirto cid u faxday, waxaana la arkay iyadoo ku sugan Kismaayo halka Itoobiya ay oggolaadeen baarlamaankii hore gaar ahaan Shariif Sakiin” ayuu yiri Jeneraal Galaal.

Maxamed Nuur Galaal ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aaney diyaar u ahayn in uu dalka ka baxo dhibaaatada uu ku jiray 23-kii sanno ee la soo dhaafay.

Tallo ma siiyay DF Somalia?

Waxaa la weydiiyay maadama uu ka mid yahay dadka qabiirka ku ah arrimaha ciidamada in uu dowladdihii hore iyo tan maanta jirta in uu tallooyin ku aadan hagaajinta ciidamada uu siiyay.

Wuxuu sheegay in dowladda hadda jirta uu dhowr mar xiriir la sameeyay balse albaabada laga xirtay xittaa haddii uu taleefon ka wacay taleefonka laga qaban waayay ama uu waayay cid ka qabata.

Ugu dambeyn Maxamed Nuur Galaal ayaa carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aan la rabin nabad ka islaaxda taasna waxay dhibeysaa ayuu yiri waddamada dariska ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com