Kabul (Caasimada Online) – Ruushka ayaa Khamiistii noqday dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada xukuumadda Taalibaan inay tahay awoodda sharciga ah ee ka talisa Afghanistan. Tallaabadan ayaa guul weyn u ah dadaallada kooxdaas ay ku doonaysay inay kula macaamisho caalamka, ku dhowaad afar sano kaddib markii ay awoodda la wareegtay ayna ku dhawaaqday inay ka guulaysatay dagaalkii ay kula jirtay Mareykanka.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Afghanistan ayaa barta X ku sheegtay in safiirka Ruushka u fadhiya Afghanistan, Dmitry Zhirnov, uu si rasmi ah u soo gaarsiiyay go’aanka xukuumaddiisa ee aqoonsiga Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan kaddib kulan uu magaalada Kabul kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas, Amir Khan Muttaqi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in aqoonsiga rasmiga ah ee Moscow ay siinayso xukuumadda Afghanistan uu dhiirigelin doono horumarinta iskaashi wax-soo-saar leh oo labada dal ka yeeshaan dhinacyo kala duwan, oo ay ku jiraan ganacsiga iyo tamarta.
Tallaabada Ruushka ayaa guul muhiim ah u ah Taalibaan, kuwaasoo xayiraadaha adag ee ay ku soo rogeen haweenka—oo ay ka mid yihiin mamnuucidda waxbarashada heerka lixaad ka sarraysa iyo tababarrada caafimaadka—ay Afghanistan ka dhigeen dal go’doon ka ah dunida inteeda badan.
Wadamada Reer Galbeedka iyo kuwa Islaamka ayaa labaduba cambaareeyay Taalibaan ayna ka fogaadeen, inkastoo kooxdu ay samaysay dadaallo ballaaran oo ay isugu soo dhoweynayso. Taalibaan ayaa qaaday tallaabooyin ay ku ciribtirayso soo saarista daroogada opium-ka iyo kuwo kale oo ay isugu muujinaysay waji ka duwan kii hore, laakiin inta badan saaxiibadooda caalamiga ah kama aysan dhaqaaqin mowqifkoodii.
Si kastaba ha ahaatee, arrintaas ayaa billowday inay isbeddesho sannadkii hore, kaddib markii ay soo ifbaxday xaqiiqo ah in xukuumadda Taalibaan aysan meelna u socon, isla markaana aysan jirin cadaadis caalami ah oo ku qasbi kara inay ka laabato go’aannadeeda ku aaddan xuquuqda haweenka.
Dhaqdhaqaaqa diblomaasiyadeed ayaa dardar galay qeybtii dambe ee 2024-kii, iyadoo wafuud kala duwan ay Taalibaan kala hadleen heshiisyo ganacsi iyo maalgashi, waxaana calaamadaha iskaashiga ay sii socdeen sannadkan. Shiinaha ayaa ballanqaaday inuu marinka dhaqaalaha ee Shiinaha iyo Bakistaan uu gaarsiin doono Afghanistan, halka Hindiya ay dib u bilowday bixinta dal-ku-galka ee muwaadiniinta Afghanistan.
Mareykanka, oo dagaalkii 20-ka sano qaatay ee uu kula jiray Taalibaan uu ku dhammaaday ka bixitaan fowdo ah bishii Agoosto 2021, ayaan muujin wax calaamad ah oo uu ku doonayo inuu ku aqoonsado Taalibaan. Xukuumadda Washington ayaa weli khad cas ku haysa Taalibaan arrimaha la xiriira sida loola dhaqmo haweenka, xilli wadamada xafiiltanka la ah Mareykanka ay ka faa’iideysanayaan fursadaha ka jira Afghanistan.
Xukuumadaha kale ee Reer Galbeedka ayaa iyaguna Taalibaan ka fogaynaya, laakiin wasiirka arrimaha gudaha ee Jarmalka ayaa Arbacadii sheegay in xukuumadda Jarmalku ay u baahan tahay inay heshiis la gasho Taalibaan si loo fududeeyo masaafurinta muwaadiniinta Afghanistan ee ku sugan dalka Jarmalka.
Aqoonsiga Ruushka ee xukuumadda Taalibaan ayaa yimid kaddib bilooyin ay sii xoogeysanayeen xiriirka labada dowladood, kaasoo ku saabsanaa gargaarka bini’aadantinimo iyo la-dagaallanka argagixisada.
Bishii Abriil, maxkamadda ugu sarraysa Ruushka ayaa Taalibaan ka saartay liiskeeda ururrada argagixisada, in ka badan 20 sano kaddib markii markii hore lagu daray. Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay in ka saaristaas ay suurtagelin doonto iskaashi amni oo dhow oo lala yeesho kooxda Dowladda Islaamiga ah ee Khurasan, oo ah farac ka tirsan Dowladda Islaamiga ah oo ka howlgasha Afgaanistaan.
Kooxdan oo loo yaqaan ISIS-K, ayaa sannadkii hore dishay in ka badan 130 qof weerar ay ka geysatay hool lagu qabto riwaayadaha oo ku yaalla duleedka Moscow. Weerarkaas wuxuu ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee argagixiso ee ka dhaca Ruushka tan iyo markii Madaxweyne Vladimir V. Putin uu xukunka la wareegay rubuc qarni ka hor. ISIS-K waxay sidoo kale weerartay safaaradda Ruushka ee Kabul sannadkii 2022-kii.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay inay raadin doonto sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada tamarta, gaadiidka, beeraha iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Wadamada Iran, Imaaraadka Carabta, Shiinaha iyo Pakistan ayaa ah saaxiibada ganacsi ee ugu waaweyn Afghanistan.
Ruushka wuxuu leeyahay taariikh isku-dhafan oo uu la wadaago Afghanistan. Ciidamadii Midowgii Soofiyeeti ayaa dalkaas ku duulay sannadkii 1979-kii si ay u dhisaan xukuumad Shuuci ah, waxayna ku lug yeesheen dagaal 10 sano socday oo ay la galeen dagaalyahannadii Mujaahidiinta ee uu hubeynayay Mareykanka. Ku dhowaad 15,000 oo askari oo Soofiyeeti ah ayaa ku dhintay dagaalkaas.
Mudane Muttaqi, wasiirka arrimaha dibadda ee Afghanistan, ayaa isagoo ka hadlaya aqoonsiga Ruushka ee Taalibaan yiri, “Waxaan rajaynaynaa in wadamada kalena ay ka faa’iideysan doonaan fursaddan ayna aqoonsan doonaan Imaarada Islaamiga ah.”