26.3 C
Mogadishu
Thursday, July 23, 2026

Xogta duqeyn culus oo ka dhacday Hiiraan + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta faah-faahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamiga ah, taas oo ka dhacday qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta oo dhacday 21-kii bishan laga fuliyay aagga deegaanka Suullaay, oo qiyaastii 17 kiiloomitir dhanka koonfureed kaga beegan deegaanka Teedaan ee Gobolka Hiiraan.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan dhanka cirka ah lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayay halkaasi, iyada oo lagu dilay 18 xubnood, sidoo kalena lagu dhaawacay 21 kale.

Sidoo kale waxaa la burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay adeegsanayeen maleeshiyaadka la duqeeyay iyo dhufeyso ay ka qoteen deegaanka Suullaay.

“Howlgalka ayaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, halka 21 kale lagu gaarsiiyay dhaawacyo culus. Sidoo kale, waxaa la burburiyay hal gaari oo dagaal oo ay kooxda adeegsanaysay, iyo fariisimo iyo dhufeysyo ay ka sameysteen deegaanka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dhinaca kale, Wasaaradda ayaa bogaadisay xirfadda, geesinimada iyo howlkarnimada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxay dhanka kale u mahadcelisay Saaxiibada Caalamka iskaashiga iyo taageerada ay ka geysanayaan ciribtirka maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo xaqiijinta amniga dalka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay warsaxaafadeedka “Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay xaqiijinayaan inay sii dardargelin doonaan howlgallada lagu beegsanayo fariisimaha iyo awoodda maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo badqabka shacabka iyo ilaalinta xasilloonida dalka”.

Maalmihii u dambeeyay deegaannada HirShabelle waxaa ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo meelo kala duwan oo kamid ah gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu beegsaday kooxaha Khawaarijta.

- Advertisement -

Read more

Local News