24.9 C
Mogadishu
Tuesday, July 8, 2025

Mareykanka: Maxkamadda Sare oo go’aan ka gaartay muhaajiriin ku xayiran Jabuuti

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa Khamiistii ogolaatay in maamulka Trump uu koox muhaajiriin ah oo ku xayiran saldhig militari oo Maraykanku ku leeyahay Jabuuti u masaafuriyo dalka ay dagaalladu la degeen ee Koonfur Suudaan.

Go’aankan ka soo baxay maxkamadda sare oo ay aqlabiyad ku leeyihiin garsoorayaal muxaafid ah ayaa yimid 10 maalmood kaddib markii ay ogolaatay in maamulka Trump uu muhaajiriinta u masaafuriyo waddamo aan ahayn kuwooda hooyo.

Sideedda muhaajir ayaa bishii Maajo diyaarad lagaga qaaday Maraykanka iyadoo la doonayay in la geeyo Koonfur Suudaan, balse waxay ku dambeeyeen Jabuuti kaddib markii maxkamad degmo ay soo saartay amar ku-meel gaar ah oo lagu hakiyay masaafurinta loo dirayo dal saddexaad.

Maxkamaddu waxay sheegtay in aan muhaajiriinta la siin “fursad macno leh” oo ay kaga horyimaadaan masaafurintooda.

Bishii Juun 23-keedii, Maxkamadda Sare waxay laashay amarkii hakinta ahaa ee uu soo rogay Garsoore Brian Murphy, taasoo fasaxday in muhaajiriinta loo masaafurin karo waddan saddexaad.

Balse Murphy, oo uu soo magacaabay madaxweynihii hore Joe Biden, ayaa sheegay in kiiska sideedda muhaajir ee ku xayiran Jabuuti uu quseeyo amar kale oo hakis ah oo uu isagu soo saaray, kaasoo aysan Maxkamadda Sare waxba ka qaban.

Khamiistii, Maxkamadda Sare waxay caddeysay in go’aankeedii Juun 23-keedii uu khuseeyay labada amar ee uu garsooruhu soo saaray.

Garsoorayaasha liberaaliga ah ee Sonia Sotomayor iyo Ketanji Brown Jackson ayaa ka horyimid go’aankaas.

“Waxa ay Dowladda si dhab ah u doonayso waa in ay sideedda qof ee aan muwaadiniinta ahayn, ee ay si sharci darro ah uga soo saartay Maraykanka, ay ka qaaddo Jabuuti una dirto Koonfur Suudaan, halkaas oo loogu gacan gelin doono maamulka maxalliga ah iyadoo aan loo eegeyn suurta-galnimada ah inay la kulmaan jirdil ama dil,” ayay tiri Sotomayor.

“Amarka maanta wuxuu caddeynayaa hal shay oo kaliya: Dowlado kale waa inay sharciga raacaan, laakiin maamulkan wuxuu si toos ah ula xiriiri karaa Maxkamadda Sare,” ayay raacisay.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in sideedda nin—oo labo ka mid ah ay ka soo jeedaan Myanmar, labo Cuba, inta kaelna midba uu ka yimid Vietnam, Laos, Mexico iyo Koonfur Suudaan—ay yihiin dembiilayaal lagu helay falal rabshado wata.

Maamulka Trump ayaa ku dooday in masaafurinta loo dirayo dal saddexaad ay lagama maarmaan tahay, maadaama waddamada hooyo ee dadka qaarkood la beegsanayo ay mararka qaar diidaan inay dib u qaabilaan.

Donald Trump ayaa ololihiisii doorashada ku ballan-qaaday inuu Maraykanka ka saari doono malaayiin muhaajiriin ah oo aan sharci haysan, wuxuuna qaaday tallaabooyin dhowr ah oo uu ku doonayo inuu ku dardargeliyo masaafurinta tan iyo markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad bishii Janaayo. 

- Advertisement -

Read more

Local News