Dhageyso: XIldhibaanada ka soo jeeda Puntland oo mooshin xasaasi ah u gudbiyey BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa laga billaabay qorshe ka dhan madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas, kaasoo ay wadaan xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Puntland ee ku jira baarlamanka Soomaaliya.

Mooshinkan ayaa waxaa looga soo horjeedaa heshiiska dekedda Boosaaso ee Cabdi Weli Gaas uu la galay shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanada dawlada federaalka ee laga soo doortay deegaanada Puntland ayaa gudoonka baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ah heshiiska oo ay ugu yeereen mid qiyaano qaran ah.

Xildhibaanad Sacdiyo Salaad oo ka mid ah xildhibaanada gudbiyay mooshinka oo waraysi siisay idaacada VOA, ayaa si adag ugu dhaliishay hogaanka Puntland, sida mas’uuliyad xumada ah ee ay lacagta yar ugu badasheen dalkii iyo dadkii ay mas’uuliyada u qaadeen.

Sacdiyo ayaa sheegtay in aysan xildhibaanada heer federaal ee ka soo jeeda Puntland u dulqaadan doonin dhibaatada lagu hayo shacabka Puntland, mooshinkuna uu u meel mari doono si dhaqso ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com