Daawo: Beesha Saleebaan oo go’aano xasaasi kasoo saartay xiisadda Galmudug

Cadaado (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Saleebaan/Habargidir, ayaa waxay diideen in wax doorasho ahi lagu qabto Magaalada Cadaado, illaa iyo inta lagu kala baxayo Dastuurka Galmudug.

Ka dib kulamo ay Odayaasha Dhaqanka ku lahaayen Magaalada Cadaado, ayaa waxay soo fara-geliyen xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada, iyagoona caawa soo saaray bayaan shan qodob ka kooban.

Qodobada ayaana u qornaa sidatan:-

1: Waxaa ka mamnuuc ah in doorasho lagu qabto Magaalada Cadaado, illaa lagu kala baxo dastuurka u yaala Maamul Goboleedka Galmudug

2: Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Galmudug in ay ku kala baxaan dastuurka u yaala Maamul Goboleedka Galmudug

3: In la ilaaliyo amniga Magaalada Cadaado, uuna amniga Cadaado yahay mid lama taabtaan

4: Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha Galmudug, Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) in uu furo Garoonka Magaalada Cadaado

5: Waxaan ugu baaqaynaa Dowladda Federaalka Somaliya in ay ka shaqayso horumarka Galmudug, oo aynaan ka shaqaynin dib u dhaca Galmudug.

Odayaasha Dhaqanka, ayaa Madaxda Galmudug, Dowladda Federaalka iyo intii ay khuseysaba bayaankan ka codsaday inay tixgeliyan shanta qodob, ee ay soo saareen.