Xildhibaan sharaxay qorshaha laga leeyahay maxkamada sare Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Yuusuf Ciyow oo ka tirsan baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa ka hadlay warqad ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Galmudug.

Xildhibaan Ciyow, ayaa sheegay inay garan la’ yihiin halka lagu magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo uu tilmaamay inaan la horkeenin baarlamaanka maamulka.

Xildhibaanka oo u waramaayay Idaacada KNN ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Guddoomiyaha Maxkamada ay ka maqleen keliya Idaacadaha, balse aanu jirin cid la soctay magacaabidiisa iyo shaqooyinka loo igmaday.

Wuxuu carab dhabay Xildhibaanka in Galmudug aysan qabin Guddoomiye Maxkamad oo sharci ah, isla markaana magacaabida Guddoomiyahaani ay tahay sharci darro, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Ciyow waxa uu intaa raaciyay inuu jiray shaqsi uu magacaabay Hogaamiyihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed kaas oo qudhiisa aan wali baarlamaanka la hor geynin.

Xildhibaanka ayaa yiri ”Galmudug ma qabto gudoomiye Maxkamad Sare oo sharci ah mana jiro cid aan cod siinay warqada la soo saaray waa riwaayad kale, baarlamaanka Galmudug iyo Madaxda loo yeeray waxay leeyihiin Xasaanad mana jirto sharci cadeynayo in loo yeero qof Xasaanad heysta oo aan danbi cad lagu heyn”.

”Maxkamada la sheegay inay Xildhibaanada u yeertay ha u shaqeyso cida magacaabatay, Galmudug kama shaqeyn doono cid aan kalsooni ka helin baarlamaanka maamulka”

”Qorshaha Maxkamadu waa mid lagu dhaqan galinaayo digtaatootiyada Xaaf cidii uu sharciga Maxkamada qabto ayay u taalla”

Dhinaca kale, Ciyow ayaa sheegay in wali deegaanada Galmudug ay ka jirto ku xad gudbidda Dastuurka iyo Xeerka Galmudug isagoo eedeen kulul u jeediyay Hogaamiyaha Maamulkaasi Axmed Ducaale Geelle.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com