Washington DC (Caasimada Online) Waxaa maalmihii ugu dambeeyay dalka Soomaaliya, gaar ahaan caasimada aad looga hadlan hayaa khilaaska soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo raysal wasaaraha, kaasoo yimid kaddib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday raysal wasaare Cabdi Faarax Saacid in uu is-casilo.
Haddaba arrintaas waxa ay abuurtay in labada nin uu xumaado wadashaqeentooda, waxaana khilaafkooda uu u gubay hey’adda sharci-dajinta ee baarlamaanka kuwaasoo hadda u muuqda kuwa u kala jabay labo dhinac.
Maalinta berri ayaa la filayaa mudanayasha baarlamaanka inay billaabaaan dood ku saabsan mooshin ka dhan ah Raysal wasaare Saacid.
Idaacadda VOA ayaa toddobaadkan barnaamijka Faaqidaadda waxa ay ku soo qaadatay khilaafka ka dhex-taagan madaxweynaha iyo ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya.
Barnaamijka, waxaa looga hadlayaa mooshinkaas, iyo haddii uu cod helo sida ay xaaladda noqoto iyo arrimo, waxaana lagu soo diyaariyay Magaalada Muqdisho
Barnaamijka oo dhammeestiran halkan hoose ka dhageyso