Washington (Caasimada Online) Idaacadda VOA ayaa wareysigii ugu horreyay la yeelatay guddoomiyaha cusub ee KMG ah ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Mudane Bashiir Ciise Cali.
Bashiir oo horrey oo la soo shaqeeyay dowladii Maxamed Siyaad Barre ee Kacaanka iyo sidoo kale dowladihii KMG ah ee dalka soo maray 20-kii sanno ee la soo dhaafay ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ku jirto waxa uu ka ogyahay shaqada in ay ka tagto Yusra Abraar oo ahayd haweeneydii ugu horreysay oo xilkaas loo magacaabo.
Mr. Bashiir ayaa ka hadlay qorshaha uu lee yahay ee ku aadan shaqada dhawaan loo magacaabay iyo arrimaha la xiriira musuq-maasuqa oo lagu eedeeyay guddoomiyii horre Cabdisalaan Hadliye.
Haddii aan wax yer dib u laabanao Bashiir wuxuu ku biiray saraakiisha sarsare ee Bangiga Dhexe sanadkii 1962-dii wuxuu intaa ka dib soo noqday gudoomiyaha laamaha uu Bangigu ku lahaa degmooyinka, Qardho, Boosaaso, Hargaysa, Kismaayo, iyo Marko, waxaa sidoo kale uu soo noqday Agaasimihii guud ee Bangiga dhexe, iyo Gudoomiye ku xigeen.
Guddoomiyaha waxaa wareystay Cabdicasiis Xuseen Cismaan oo ka tirsan VOA-da.
Barnaamijka oo dhan hoosta ka dhageyso.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Washington DC