Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayirnaa dalka Liibiya.
Dhalinyaradan oo intooda badan laga soo saaray xabsiyada dalka Liibiya oo kooxo magefayaal ah ay ku heysteen ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Muwaadiniinta dalka dib ugu soo laabatay ayaa 74 kamid ah waxa ay gaareen magaalada Hargeysa, halka 87 ay soo gaareen magaalada caasimadda ee Muqdisho, taasi oo muujinaysa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha tahriibka iyo dib u soo celinta muwaadiniinteeda.
Soo celinta dhalintan ayaa waxaa fududeysay wasaaradda arrimaha dibadda oo uu hoggaaminayo Amb. Axmed Macallin Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday sida hagar la’aanta ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay ilaalinta badqabka muwaadiniinteeda ku sugan dalka dibadiisa iyo sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen.
Dhanka kale, Danjire Maryan Yaasiin oo ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan muhaajiriinta & xaquuqda carruurta, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaallada la isku soo dubariday, iyadoo tilmaantay doorka muhiimka ah ee safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ku leedahay ka hortagga caqabadaha tahriibka.
Barnaamijkan dib u soo celinta ayaa waxaa gacan ka geystay Midowga Yurub, IOM iyo UNHCR, kuwaas oo wax ku biirintoodu ay lama huraan u ahayd fududeynta soo celinta Muwaadiintan Soomaaliyeed.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson iyo madaxa hay’adda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira ayaa bogaadiyay tallaabooyinka fir-fircoon ee Soomaaliya ay uga hortagayso dhibaatooyinka haysta muwaadiniinta go’doonsan, ayagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada caqabadaha socdaalka.
Sidoo kale safiirka Soomaaliya ee Liibiya Danjire Cabdi Aadan ayaa kaalin mug leh ka qaatay isku dubaridka dadaallada dhulka, xaqiijinta guusha hawlgalkan adag.
Barnaamijkan ayaa wuxuu muujinayaa iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay daneeyayaasha caalamiga ah waxayna ka tarjumaysaa sida ay dowladda uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinteeda iyo sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen bulshadadooda qeybna uga qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka.