Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah loo daah-furay xarunta badbaadada iyo samata-bixinta dhibaatooyinka ka dhaca badaha Soomaaliya.
Xafladda daah-furka ayaa waxaa ka qeyb-galay masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirka amniga gudaha, wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda iyo wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Munaasabadda oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf kale.
Xaruntan ayaa loogu tala-galay inay wax ka qabato dhibaatooyinka ka dhaca xeebaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kalluumeysiga sharci-darrada ah, burcad-badeednimada iyo badbaadinta dadka ku xayiran xaaladaha deg-degga ah ee ka dhaca badaha.
Wasiirka amniga ayaa khudbad uu halkaas ka jeediyay ku sheegay in xaruntani ay muhiimad weyn u leedahay xoojinta nabadgelyada iyo samatabixinta, isagoo ku boorriyay hay’adaha ku shaqada leh inay si dhow u wada shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo amniga badda iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay qorshayaal lagu tayeynayo hawl-gallada la xiriira badbaadada iyo la dagaallanka caqabadaha ku xeeran badda Soomaaliya, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha maxalliga iyo kuwa caalamiga ah.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid waxtar weyn u leh dadaallada lagu sugayo amniga iyo horumarinta kheyraadka badda Soomaaliyeed.