Mumbasa (Caasimada Online) – Agaasimaha waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya, Sacdiya Maxamed Nuur ayaa loo doortay Guddoomiyaha Ururka Nabadda iyo Amniga Haweenka ee Urur Goboleedka IGAD, kadib shir ka dhacay magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.
Sacdiya Maxamed oo tartan kula jirtay haweeney kasoo jeedda Koonfurta Suudaan, laguna magacaabo Amer Manyok Deng ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay kursigan, kadib is casilaad ay sameysay gabadha reer South Suudaan.
Amer Manyok Deng ayaa noqotay ku xigeenka ururka, maadaama ay ka tanaasushay tartankii ay kula jirta Sacdiya ee kursiga guddoomiyaha, Sacdiya Maxamed Nuur ayaa Idaacadda BBC la hadashay, iyadoo sharaxday sida ay ugu suurta gashay hanashada kursigaan iyo waxa ay ku muteystay.
“Waxa ay mar waliba u muuqatay fursad ku haboon Soomaaliya iyo in aan mudanahay, sidoo kale is casiladii Amer Manyok Deng waxay na siisay fursad, maadaama guddigu ay ku qanceen qudbad aan jeediyay iyo ajendayaashii aan soo bandhigay, kuwaas oo la’iigu gartay in qofka kursiga u qalma aan ahay,” ayey tiri Sacdiya.
Xoghayaha Ururka Nabadda iyo Amniga Haweenka ee urur goboleedka IGAD ee loo soo gaabiyo (IWPSF) ayaa sidoo kale loo doortay Dora Byamukama oo u dhalatay dalka Uganda.
“Waxa aan ka faalloonay muhiimada nabadda ay noo leedahay iyo is dhexgalka bulshada ee haweenkeenna Geeska Afrika, sidoo kale waxa aan u ololeynay in Soomaaliya ay tahay dalka markan ku habboon kursigan, taas oo ina caawisay,” ayey sii raacisay.
Wasiirka Qoyska Bashiir Goobe ayaa Sacdiya ku amaanay dadaalka ay muujisay iyo wada shaqaynta u bilaabatay kooxda hoggaanka cusub ee la doortay, oo ay ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenka Amer Manyok Deng iyo Xoghaye Hon. Dora Byamukama oo ka hoos shaqeynaya guddoomiye Sacdiya.
“Tababarku wuxuu ku soo idlaaday farxad, iyadoo lagu dhawaaqay Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Marwo Sacdiya Maxamed Nuur oo ka socota Soomaaliya, Guddoomiye ku-xigeenka, Amer Manyok Deng oo ka socota Koonfurta Suudaan, iyo Xoghaye Dora Byamukama oo u dhalatay Uganda, waxayna ballan qaadeen inay si wadajir ah u wada shaqayn doonaan, si loo hormariyo ajendaha IWPSF,” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta X ee IGAD.
Sacdiya Maxamed Nuur ayaa sheegtay in ay ka howlgeli doonto sidii ay u horumarin lahayd dumarka gobolka, barnaamijyada nabadda iyo xasilinta, iyo sidoo kale is dhexgalka bulshada ku nool gobolka Geeska Afrika.
“Kursigan ka sokow in Soomaaliya ay ka tahay guddoomiye waa mid loogu adeegi doono dhammaan dumarka gobolka, si ay u sii hormariyaan dhaq-dhaqaaqooda ku aaddan nabadda, si gaar ahna dumarka Soomaaliyeed, waa mid aan rajeynayo in ay kula yimaadaan is beddel hoggaamineed oo hagaagsan,” ayey wareysigaas ku tiri guddoomiye Sacdiya.