Aadan Madoobe oo soo saaray farriin ku socota xildhibaanada Golaha Shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ku wargeliyay Xildhibaanadda Golaha Shacabka in si rasmi ah loo xiray kalfadhigii 5-aad ee Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa warqad uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Ugu horeyn waxaan bogaadinayaa, una mahadcelinayaa dhammaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS ee sida sharafta iyo qiimaha leh u gutay waajibaadkooda dasturiga ah, muddadii aan ku guda jiray kalfadhiigii 5-aad ee Golaha Shacabka.”

Wuxuu intaas ku sii daray “Anigoo gudanaya waajibaadkeyga dasturiga ah waxaan Dhammaan Xildhibannada Madasha 11-aad ee Golaha Shacabka BJFS, ku wargelinaynaa in laga bilaabo 6-da Bisha December 2024 uu noo xirmay Kalfadhigi 5-aad, Si waafgsan Qodobka 66(2) ee Dastuurka iyo Qodobka 14(2) ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka BJFS.”

Aadan Madoobe ayaa yiri “Waxaan dhammaan Xildhibaannada ku wargelinaynaa in kalfadhigi 5-aad inoo xirmay laga bilaabo 6-da Bishan December 2024, wuxuuna inoo furmi doonaa haddii Allaah idmo 6-da bisha Febraayo 2025, waxaan idiin rajaynayaa inaad nabadgelyo iyo caafimaad kusoo dhameysataan fasaxiina.”

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa dabayaaqadii bishii hore sidaan oo kale qoraal uu soo saaray ugu fasaxay kalfadhigii golaha, kadib muddo bil ah oo fasaxii xildhibaanada laga soo jaray oo ay shaqeynayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bil ka hor baarlamaanka hor tegay iyagoo fasax geli raba, wuxuuna ka codsaday in bil ay ka shaqeeyaan ansixita sharciyada doorashooyinka dalka, waana ka aqbaleen.

Wixii intaas ka dambeeyey waxaa ansixin lagu bilaabay sharciyadii muranka badan dhaliyey ee loo diyaariyey dooorashooyinka soo socda ee dalka.

Kulamadii ugu dambeeyey ee golaha shacabka ayaa la isla gaaray gacan ka hadal, balse ugu dambeyntii si buuxda ayuu u guuleystay qorshihii madaxweynaha ee ahaa in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah, inkastoo caqabad weyn lagala kulmay Axmed Madoobe oo u bareeray inuu diido qorshaha dalka lagu gaarsiinayo doorasho qof iyo cod ah.