Dhalinyarada Somalida K/Afrika oo ka fekeraya qorshe culus oo…+ Sawiro.

Kulan Weyn oo ay ka soo qeyb galeen Maamulka iyo Ciyaartooyda kooxda koobka lasoo hoyatay ee Banaadir Stars ayaa caawa waxa uu ka dhacay degaanka ay Soomaalida u badan tahay ee Bellville ee magaalada Cape Town ee dalka Konfur Africa.

Kulankani oo ahaa mid casho ah ayaa waxaa lagu dhiira gelinayey kooxda Koobka Soo xayuub satay ee Banaadir Stars iyadoo masuuliyiintii ka hadashay ay ka mid ahayeen Aweys, Macalin Saadaam, Koofuroow, Qeyla Quute iyo Maxamed Cumar kuwaasi oo dhamaan u bogaadiyey kooxda Banaadir Stars.

Macalinka kooxda Banaadir Stars Macalin Nuune kana mid ahaa Ciyaartooyda caanka ah ee laga yaqaano gudaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxda ay u ciyaareen hab wanaagsan ayna la imaadeen dabeecad wanaag isla markaana ay kor u qaadeen magaca Ganacsatada Soomaalida Koonfur Africa isagoo sheegay in ay shaqada ay u hayaan bulshada ay sii laba jabaaraan.

Urur Weynaha saxafiyinta Soomaaliyeed e Koonfur Africa marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaano Sojasa oo maal gelisay Koobkani ayaa waxaa u hadlay gudoomiyaha Ururka Sojasa Mudane Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo) wuxuuna sheegay in ay sii wadayaan taakuleynta iyo garab istaaga Sports-ka isagoo xasuusiyey Ciyaartooyda in Saxaafada iyo Sports-ka ay yihiin Mataano isla markana ay aad ugu farax sanyihiin Saxafiyinta meel kasta oo ay joogaan guusha sharafta leh ee noo soo hooyeen Kooxda Banaadir Stars oo uu Gudoomiyaha Sojasa Deeqdarajo sheegay in uu ka mid ahaa Ciyaartooydii lagu aas aasay kooxdani isla markaana uu ku farax sanyahay meesha ay hadda Joogto.

Si kastaba ha ahaatee Jaaliyada Soomaalida ayaa sheegay in ay aad ugu farax sanyihiin Guusha ay soo hooyeen Kooxdooda isla markana sheegay in wax lagu farxo ay tahay in Calanka Soomaaliya uu ka dul babanayo Garoonka uu ciyaarahani ka socday oo maalin karta ay usoo daawasho tago boqolaal qof.

Daawo Sawiradda

 

Bahda Sojasa.