Dhambaal furan oo ku socda Madaxweynaha Jamhuuirada FS.

Mudane Xasan Sheekh Maxamud

Marka ugu horeysa waxaan kuugu hambalyeynayaa, xilka culus ee aad umadda Soomaaliyeed u qaadday, waxaana Alla SWT kaaga baryayaa in uu ku waafajiyo waddada saxda ah ee caddaaladda, nabadgelyada, dib u dhiska iyo horumarinta dalka oo ay malaayiin Soomaaliyeed kaa sugayaan, waxaanan dareensanahay in aysan sahal aheyn in si dhaqsi ah howlahaas oo dhami aad ku qaban karto, waxaase lagama maarmaan ah in uu jiro qorshayaal aan filayo inay kuu diyaarsan yihiin , kuwaas oo ay ugu horeeyaan sugidda amniga, dib u yagleellidda kaabayashaa dhaqaalaha iyo adeeggii bulshada oo u baahan in dib loo soo nooleeyo.

Ka hor inta aan la qaadin talaabooyin badan, waxaa manta marag ma doonto ah in aan Somalia manta ku dhaqmi kari nidaam federal ah, waxaana anigoon aan meel dheer ka raadin iiga marqaati ah in haddii shantii qof ee Soomaaliyeed ee meel isugu timaado imisa qofood ayaa laga heli karaa nin ku dhashay halka uu aabihiis ku dhashay?, imisa ayaa ummadda soomaaliyeed reer guuraa ah, imisa ayaa magaalo deggan, waxaan jeclaan lahaa in baarlamaka Soomaaliyeed uu meel cad ka istaago nidaamka federalka iyo dhaqanka foosha xun ee 4.5 , taasoo naga horistaagi karto inaan xal helno, maadaama aan sharciyeynayno xaqdaro.

Mudane Madaxweyne, si aad u dib ugu dhisto qarankii bur-buray ee Soomaaliya, waxaan ku xasuusinayaa inay lagama maarmaan tahay in aan dib u eegno halkii uu bur-burka Somalia ka bilowday isla markaana aan dib uga soo bilowno dhismaha qaranka, taasoo aan rajeynayo haddii si taxadar leh loo darso aad si fudud ku heli karto talaabadii aan dib cagaheena ugu istaagi laheen oo aan horey ugu socon laheen, iyadoo ay Alla mahaddii tahay inaan heesano hoggaamiyaal waxbartay baarlamaan 60% aqoon yahano ah, shacabkeenii oo intooda badani ilbaxnimada caalamiga la jaanqaaday iyo xiligan oo lagu jiro qarnigii 21aad intaasoo dhan waxay dadka Soomaaliyeed ee ildheer garadka ahi tuseysaa inay jirto yididiilo iyo rajo aad u weyn oo aan kaga kaban karno dhamaan bur-burkii nasoo gaaray.

Maxaa keenay burburkii Somalia?!

Marka ugu horeysa ee laga hadlayo bur-burkii ku dhacay qarankii Somalia horaantii sagaashamaadkii, waxa haboon in maanka lagu hayo waxa dhaliyey burburkan isla markaana sabab u ah inaan laga soo kaban waxyeeladaas baaxadda weyn ee galaaftay nolosha kumanaan kun oo Soomaaliyeed oo isugu jira Dumar, caruur iyo Waayeel, indheer garad iyo dhaman qeybaha bulsha weynta ay umaddani ka koobneyd. Malaayiin Soomaaliyeed ayaa barakacay bad iyo berriba waxaa daadsan meyd Somaliyed, 20 sano ka dib dhibku wuu sii kordhaayaa, rajana lagama qabo in xal loo helo musiibadan. Haddaba maxaa keenay burburka Soomaaliya?! Ayaa ila gudboon in aynu isweydiino marka hore, marka aanu isla helno jawaabta ayaa ila gudboon inaan is weydiino waa maxay xalka?

Muddo dheer oo aan daraasadaynayey asalka dhibta Somalia iyo raad raac  40kii sano ee lasoo dhaafay  ayaa waxaa ii soo baxay arimahan soo soocda:-

1- Xiriirkii caalamiga ahaa ee dowladdii M/med Siyaad Barre iyo danahii straatijadeed.
2- Dagaalkii qabowaa iyo doorka dowladaha Somalia & Ethiopia.
3- Dhamaadkii dagaalkii qaboobaa iyo saameynta uu nagu yeeshay.

1- Xiriirkii caalamiga ee dowladdii Somalia ay la laheyd dowladda Maraykanka, waxaa halbowle u ahaa danahii Maraykanka ee military base uu ka sameystay Berbera si uu uga ilaashado danihiisa uu kalahaa biyaha gulf-ka. Waxaana baddalkeeda dowladdii Somalia ay uga heli jirtay USA malaayiin Dollar oo u badan gargaar military iwm. Waxaana ay arintani dhamaatay markii uu dhacay dagaalkii gacanka oo uu Maraykanku u ruqaansaday biyaha gacanka oo aheyd halkii uu marka hore danta kalahaa ee isu kaana keenay.

2- Waxana ay sidoo kale dowladda Somalia qeyb lixaad ka qaadatay rididdii taliskii shuuciga ahaa ee ka ariminayay dalka Ethiopia, kaasoo xarumo lagaga soo duulo laga siiyey gudaha Somalia jabhado uu Maraykanku taageero. Arintaas cagsigeedana waxa xarumo Somalia lagaga soo duulo laga siiyey jabhado uu Sovietku taageero , intaas oo dhamina waxay gundhig u ahaayeen doorka ay dowladaha derisku ku lahaayeen dagaalkii qaboobaa , waxana ay arintani sabab u noqotay in labadii talis ee Ethiopia iyo Somalia ay is ridaan,
3- waxaa laga yaabaa in dad badani is weydiiyaan muxuu burburka ugu koobmay Somalia oo Ethiopia ay nabad u noqotay ? Haku daalin jawaabta arintaas meel dheerna haka raadin ee si fudud u fiiri natiijadii dagaalkii qaboobaa , waayo USA ayaa ku adkaatay dagaalkaas jabhaddii ay taageeraysana awooddii ay la wareegtay, nidaamkaasuna wuu soconayaa inta uu jiro xiriirkaas caalamiga, Somaliyana jabhaddii ugu awoodda weyney waa Tii uu M/med Faarax Caydiid waxaana uu taageero ka helayey midiwgii sovieti , midiwgii soviet na waa burburay, awoodkasta oo aad leedahayna mar haddaanu jirin xiriir caalami ee garab kuu ah wax maamul ah oo aad dhisan karto ma jiro. Waan midda keentay in maamulkii Bush uu horaantii 90ka uu 28kun oo Maraykan ah ugu diray Somalia si ay u fuliyaan barnaamij loogu magac daray rajo soo celin ee gargaarka lagu gaarsiinayo malaayiin Soomaaliyeed ee la ildarnaa gaajo iyo macluul, inkastoo dad badan lagaarsiiyey gargaarkaas haddana waxaa ku hoos qarsanaa in la tirtiro awooddii Caydiid oo ahaa ninka kaliyah ee midowga sovieti ee buburay uu taageerayey, taasoo ay Maraykanku u arkayeen in uu yahay nin la jaanqaadi kara awood kasta oo Maraykan kasoo horjeedda ee adduunka kusoo korodho.

Xiligan oo adduunyadu tahay hal awood kaliya oo dagaal kula jirta waxa loogu yeero argagixisada caalamiga, ayaa qasab ka dhigeysa in Maraykanku saameyn nagu sii yeesho, maadaama Somalia ay lugaha kula jiraan kooxo mabaa’dii islaami lagu sheego wata laakiin xaqiidii aad uga fog islaanimo ay   Dhibaato ka wadaan Somalia , waxaana lagama maarmaan in guud ahaan culumada iyo mashaaiqda Soomaaliyeed meel la isugu keeno isla markaana ay ummadda u sheegaan waxa uu Islaamka saxda ahi yahay, si aan loo helin in dadka la qaldo oo wixii la doono loo sheego, dhibaatada kaliya ee manta adiga iyo umadda Soomaaliyeed idin hortaalana waa middan diinta, waxaan kaa codsanayaa inaadan waqti siinin kuwa sida qaladan fasir uga bixinayo islaanimada. Haddii aad taa ku guuleysatanaSomalia dib ayey isu taagtay horeyna waa u soconeynaa.insha Allaah.

Abdulrahman Ahmed Shiinka

London, United Kingdom

shiinkaa@gmail.com

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxay ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan.