Dhambaal ku socda Axmed Ducaalle Geelle Xaaf (Aqri)

Guddoomiye Axmad Xaaf waa ninka da’ ahaan ugu weyn goddomiyeyaasha gobollada oo jecel in lagu magaacaabo Madaxweynayaal. Inta aanan u geli Axmad Xaaf waxaan rabaa inaan sheego in Madaxweyne aan la dhihi Karin qof ay soo doorteen dad aan tira ahaan dhammeyn kun qof ee gobollada ku kala nool.  Waxaan ku tali lahaa in doorashada madaxda gobollada laga dhigo mid ay dadweynaha soo doortaan si loo kala garto qofka la rabo iyo kan aan la rabin, waayoo ma jiro nin laaluush wada gaarsiin kara dadweyne gobol ku nool, halkaas ayaana lagu kala bixi lahaa..laaluush quutayaashana ay ku sabri lahaayeen. Intaasi waa iga ra’ayi…la qaatana bannanan la diidana sidoo kale.

Axmad Xaaf waxaad soo martay taariikh dheer oo ka soo billaabata burburki 1990 ilaa maanta. Waxaad fashay wa fashay laakin wixi hanti aad aruursatay oo badanaaba ka timid garoomadi nambar 50 iyo kuwi kale uma maley maayo inaad wax badan ka heyso waayoo waxay ahaayen hanti aan baraka lahayn.

BARAKOY MAXAA TAHAY?

Waa sheeko dheer waxaanse ka soo qaadaneynaa inyar oo kooban si akhristayaasha aysan uga caajisin.  Nin sheeikh ahaa ayaa aabihiis weydiiyay ”maandhow maxaan kuugu duceeyaa”? Woxow ku jawaabay  ”aabe iigu ducey inuu Ilaahey ii barakeeyo wuxuu iigu deeqo”. Ninkaan culumada ah habeen kasta woxow ku jiraa tahajud..asagoo sidaa ku jira ayuu habeen indhihiisu is-galeen markaasuu ku riyooday iyadoo la leeyahay meel heblo tag ee xogaa lacag ah ka soo qaado. Markaasuu weydiiyay ”lacagtu ma tahay mid barekeysan” markaas la yiri maya. Wuxuu yiri ma rabo..riyadi ayuu xaaska u sheegay, markaasey tiri ”baraka ma rabnee waxaan cunaan rabnaa ee baraka dambe ha ii sheegin”

Habeenki xigay ayuu arkay riyo kale oo dhewheysa meeshaa tag ee ka soo qaato laba dirham. Markasuu weydiiyay baraka ma leedahay, waxaa la yiri waa mid barakeysan.Carruurti hooyadood ayuu u sheegay markaasey tiri”orod oo wax lam cuno noogusoo iibi”.  Asagoo suuqa u socdaa  waxaa ka horyimid nin wata laba malaay oo beec ah, markasuu weydiiyay qiimaha, waxaa la yiri waa laba dirham. Malaygi ayuu qaaday uu guriga geeyay. Xaaski markey malaygi diyaarineysay ayaa waxaa uga soo baxay calooshiisi wax dahab u ag oo birqaaya, markaasoo yiri bal kan kalena fiiri calooshiisa, midki kalena waxaa laga helay isla dahabki oo kale…Markasuu soo qaaday labadi midkood uu ula yimid nin saaxiibkiis ah oo magaalada dukaan ku leh.

Dukaanlihi markow arkay dheemanki ayuu u sheegay saaxibkiis ” waxaad sidataa waa luul aan qiimahiisa la qiyaasi karin, qofka kaliya ee iibsan karana waa Suldaanka ee ma u geyn kartaa”? Wadaadki wuxuu soo aaday Suldaanki si uu ula kulmo, waana ku adkaatay oo la yiri Suldaanka ma arki kartid. Wuxuu yiri waa sugaa..aakhirki waa la kulmay waana tusiyay dahabki uu watay.  Suldaanki waa yaabay markasuu yiri   ”Luulkaan waa laba xabo midkii labaad aaway ma heysaa..aniga waxaa iga dhiman labadaas oo kaliya oo waxaan haayaa 98 xabo ee midka kale ma keeni kartaa”?  Markaasuu weydiiyay qiimihiisa, waxaa loogu jawaabay waxaad arki doontaa markaad kan labaad keento.

Waa baxay kii labaad ow soo qaaday.  Markaasaa la weday waxaa la geeyay qasri aad u weyn oo Suldaanku lahaa markaasaa la yiri adaa iskaleh ee orode xaaska soo wad, wixi kalena waxaad arki doontaan markaad timaadiin. Qyski ayuu soo weday oo keenay qasrigi markaasuu ku yiri islaanti “gurigaan annagaa iskaleh”..markaasey tiri maantaad waalatay, ewel waxaad ku waalatay BARAKO maantaad keentay qasrigi Suldaanka anaaga iskaleh”…Markaasaa waxaa soo muuqatay ilaa 7 neef oo geela oo ku raran lacag iyo dahab markaasaa la yiri “adinkaa iskaleh”.!!! markaasuu yiri “BARAKADI AABEHEEY IIGU DUCXEEYAY WAA TAN”!!!

Ma laga yaabaa Guddoomiye Xaaf inuu dib isugu naqdo oo wixii ow aruursaday haddey wax ka dambeeyaan inuu calfado uu ku sabro kuna nolaado inta yar ee uga harsan cimrigiisa waayoo inti uu soo noolaa in la mid ah uma harsana, waa marki caqli la adeegsado, iyadoon habaar loola jeedin.  Waxaan kugula talin lahaa dadka dhallinyarada ah oo adduunyadu u cusub tahay hortooda ka wareega adiga iyo wixi kula mid ah..meel fadhiista ee Ilaahey tuuga oo u towba keena lacalla laydinka aqbalo, jago kuu dhiman ood qaba lahayd ma jirto mar haddaad madaxweyne sheegatay haba laguugu heystee!!!

Xadiithki saxiixa ahaa ee Nabi Muxammad (nabadgelyo &naxariis korkiisa ahaatee)uu yiri JAGO NIN SOO DOONTAY HA U DHIIBINA MA MUDNEE…Annagu jagooyinka ma doonano ee waa boobnaa!!!

W/Q: Axmad Calasow