HirShabelle oo ka mahad naqday xildhibaannadii taageeray macawiisleyda

Xildhibaanno iyo ganacsato gaaray deegaanna hoos yimaada deg Aadan yabaal ayaa gaarsiiyay jabhadda macawiisleey agab isugu jiray raashiin iyo daawo.

Lataliyaha sare ee dhanka saxaafadda Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle mudane Xasan Canduqaadir Mudey ayaa bartiisa ku daabacay mahadnaqa ay madaxda Hirshabelle udireen wafdigii isugu jiray xildhibaannada iyo ganacsatadii gaaray deegaannada gobolka shabellaha dhexe.

Sidaan ayuuna u qornaa bayaanka :-

“Anigoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Ali Gudlaawe Hussein waxaan amaan iyo mahad ballaaran ujeedinaynaa Xildhibaan Caraboow oo ah xildhibaan kasoo jeeda Hirshabelle booqashadiisa iyo dhiirri galinta uu u muujiyay, shacabka isku xilqaamay in ay iska xoreeyaan cadawga argagixisada ah .

Waa tallaabo aad u wanaagsan,waajibna ku’ah dhamaan xildhibaannada golaha shacabka in ay garab istaagaan shacabka ay wakiilka ka yihiin.

Waxaaan dhamaan Xildhibaannada golaha shacabka ee kasoo jeeda deegaannada Hirshabelle waxaan ku boorrineeynaa in ay gaaraan deegaannada ay matalaan ,si loo gaaro horumarradii reer Hirshabelle ka sugayeen mas’uuliyiinta heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Waxaan sidoo kale mahadnaq taa lamida udiraynaa Xildhibaan Mohamed Abtidoon oo kamid ahaa wafdigii gaaray deegaannada Aadan’yabaal ee gobalka shabellaha dhexe.

Mahadsanidiin !
Hassan Abdikadir Mudey